Hargeysa-Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan ganey) : xeeldheere dhaqanyaqaana

0

Hargeysa-Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) waa abwaan suugaantiisu ku barayso inuu si xeel dheer aqoon ugu leeyahay dhaqanka iyo sidii ay ahayd nolosha dadku magaalooyinka ka hor.

Waxa aad u cajiib ah heesihii ku jiray ruwaayadii la odhan jiray DAB JACAYL KARI WAA, taas oo uu abwaanku alifay 1974-kii.

Ruwaayadaas hadii aan idin xasuusiyo heesaha ee laga dheehanaayay farshaxanimada xagga dhaqanka ee abwaan Xasan Ganey heesihii jiray waxa ka mid ahaa:-

1. Laqanyada jacaylka, oo wada qaadaan fanaaniinta Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali (Bacalwaan)

2. Ambabaxaye socodka inaan Eebbe igu qadin, oo wada qaadaan Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi.

3. Faraskaagii laga badi, oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali (Bacalwaan).

4. Shafka kaalay igu qabo, oo ay codadkooda isku dhaaf-dhaaf sadaan fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Sahra Axmed Jaamac.

4. Caashaqu wadaad ma leh, oo ay qado fanaanada Aamina Cabdillaahi Xirsi.

Heesaha ruwaayada DAB JACAYL KARI WAA, ku jiraa ma aha intan oo kaliya.

Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) Alle caafimaadka iyo cimrigaba ha u barakeeyo.

W/Q:
Jamaal Macalin