Hargeysa: Khasaare laxaadle oo ka dhashay dab ka kacay Markiska Al Dacwa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Sida uu baahiyay Xafiiska warfaafinta ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland, 48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka dhacay machadka dacwa , ciidanka Dabdemiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxaanay samatabixiyeen dhamaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka.

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumara iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari Dabdemiska ka tiirsan.

Warka ka soo baxay ciidanka dam-demiska ayaa u qornaa sidan , “Xafiiska warbaahinta
Ciidanka Dab Damiska48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka dhacay machadka dacwa , ciidanka Dabdemiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxaanay samatabixiyeen dhamaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka.

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumara iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari Dabdemiska ka tiirsan.”