Hargeysa: Marxuumad u geeriyootay Kufsi iyo Jidh-dil loo geystay

0

Hargeys-(Berberanews)-Maruuxmad Hinda Cumar, ayaa u geeriyootay kufsi iyo jidh dil loogu geystay todobaadkii hore xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa.

Todobaadkii hore ayaa kufsi iyo jidh dil ay u geysteen Marxuumad Hidan laba nin oo midna dirawal ka ahaa midna kirishbooy bas ay marxuumadu la socotay.

Haween isugu soo baxay guriga geerida ee Marxuumada ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “Hinda Cumar Caddaalad bay rabtaa”.

Marxuummada dumaashideed oo iyadoo ilmaynaysa uga warrantay Bulsho Tv markii inantu guriga ka baxday iyo sida wax u dhaceen.
“Sideedii habeenimo ayay inantu iga amba baxday waxaan saaray bas huruuda oo ay laba nin saaranyihiin, sagaalkii habeenino waxaa laygu yidhi inantii waa mayd oo dhakhtarkii bay taallaa”