Hargeysa: Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0

(Berbera news) Ciidanka xaalada deg dega ah u tabo-baran ee RRU-da loo yaqaan oo maanta hawlgal ka fulinayay Agagaarka dhismaha Hotelka Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde,  ayaa ka xidhay goobtaasi, Guddoomiyihii garabka dhallinyrada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhame.

Goobta laga xidhay xubnahan ayaa ahayd Huteel marwada Madaxweynuhu leedahay oo dawladda hoose ee Hargeysa ay ka fulisay hawlgal ay ku baneenaysay dhismayaasha ku yaallay, waxaanay ciidanku halkaasi ka qab-qabteen dad looga shakiyay inay wadeen is-hortaagis amar.

Ciidanku waxa ay la wareegeen wadooyinka soo gala Hotelka sidoo kale waxa ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha goobaha maraya.

Berbera news.