Hargeysa: Muwaadiniin cabasho ka muujiyay dhul ay lahaayeen oo dawladdu si badheedh ah uga qaadday

0

Hargeysa(Berberanews):- Soddon Muwaaddin oo reer Somaliland ah, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul ay lahaayeen oo ay sheegeen inay dawladdu si badheedh ah uga qaadday. Dhulkaas ayey sheegeen Xubnahani inay maalgeliyaan oo ay Dugsiyo waxbarasho, Cusbitaallo caafimaad iyo Wershado, balse loo sheegay in Madaxtooyo laga dhisayo.

Qoraal ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddiga Mulkiilayaashaas oo dalka gudisiisa iyo waddamada dibeddaba kala jooga, ayey ku muujiyeen cabashadooda iyo siday uga xun yihiin waxa ku dhacay, isla markaana waxay Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen inuu dhulkooda u soo celiyo, kana joojiyo dayrka iyo dhismaha laga bilaabay Baloodhadoodaas.

Shaxda Qaraalka ay ku saxeexan yihiin xubnahan, isla markaana ku qoran yihiin muwaaddin kasta oo dhul ku leh magiciisa oo saddexan, tirada baloodhada uu ku leeyahay iyo dalka uu deggan yahay oo Warbaahinta ay Guddigu soo gaadhsiiyeen caawa, kuna taariikhaysnaa taariikhda toddoba bisha 1-aad 2019-ka, ayaa u dhignaa sidatan:-

KU: Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland –          Mudane: Muuse Biixi Cabdi

Ujeeddo: Cabasho: Dhul dawladdu ka qaadday Muwaadiniin – Mudane Madaxweyne;

‘Annagoo ah muwaaddiniin u badan qurba-joog oo reer Somaliland ah, waxaan ka cabanaynaa dhul aan kulleenahay Degmada Ibraahin Kood-buur/guul Allaah. Waxaan  ku war helnay dawladda oo ku wareejisay Ciidan iyo dhisme dayr, taas oo haba-yaraatee wax ogeysiin ah oo lanaga talo-geliyay dhulkagayagaa dhismihu ka socdo aanay jirin illaa manta oo laga joogo sagaal bilood ugu yaraan.

Haddaba, Madaxweyne, waxaan kuu sheegaynaa dhulkani inaanu ahayn mid laysku haytso oo wax khilaaf ahi ka taaganyahay ama aanu ahayn dhul dan guud oo dawladdu leedahay, laakiin uu yahay dhul sharciyaddiisu  dhammaystiran tahay.

Annaga oo xeerinayna sharafta dawladnimo, amniga iyo kala dambaynta Qaranka, ayaan kulan la yeelannay Wasiirka arrimaha gudaha, si aan u ogaanno asbaabaha keenay in dhulkayagii dawladdu la wareegto iyo  xaaladdan ka taatan Dhulkayaga aannu sharciga u lahayn.

Mudane Madaxweyne jawaabta aannu ka helnay Wasiirka, ayaa waxay noqotay dhulkaa waa laydinkala wareegay oo Madaxtooyaa laga dhisayaa, balse Wasiirku noomuu sheegin meel aannu u raacno hantidayadii haba-yaraatee iyo cid aannu kala xidhiidhno toona.

Annaga oo Madaxweyne ka xun sida wax noogu dhaceen iyo niyad-samida aannu u haynay horumarinta waddankayaga oo kala fog awgeed, ayaa waxaan ku xasuusinaynaa  madaxweyne in qorshaha dhulkani ahaa inaannu ka dhisno mashaariic horumarineed sida; Cusbitaallo, Iskuullo, Wershado iyo wixii la mid ah.

Hase-yeeshee, Madaxweyne arrintani waxay na xasuusinaysaa ficilladii ay ku kici jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya ee laga xoreeyay dalka, waxaanan u aragnaa caddaalad-darro tii ugu waynayd ee ku dhacda muwaaddiniin Somaliland ah tan iyo intii ay jirtay.

Sidaa daraadeed, Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa,

  1. Inaad noo soo celiso hantidayadaa aan xaqa u leenahay.

  2. Inaad ka joojiso dhismaha ka socda dhulka, taas oo aan u aragno sharci-darro, kana soo horjeeda xaqa muwaaddinka, bani’aadaminnimada iyo ta Diinta Islaamka.

  3. Madaxweyne waxaan kaa rejaynaynaa inaad xal ka gaadhid dhulkayaga, tixgelin gaar ahna siiso cabashadayada.

NP-

  1. Arrintan waxa nagu kalifay inaan Warbaahinta u marinno cabashadayada, waxaannu waynay cid noo geysa Madaxweynaha si aan ugala hadalno arrinta dhulka.

  2. Waxanu u sheegaynaa ummadda Somaliland iyo Dawladda Somalilandba in aanu dhulkani ahayn dhul laysku haysto ama khilaaf ka taaganyahyahay, laakin u yahay dhul sharcigiisii dawlada-hoose dhammaystiranyahay.”

Magacyada Mulkiilayaasha Dhulka leh, siday u kala leeyihiin iyo dalalka ay ku kala nool yihiin;-

Khadra

Ismail

Hassan

2 bloodh

Canada

Abdiqadir

Sh. Ismail

Hassan

2 bloodh

Canada

Dr Said

Ismail

4 bloodh

Canada

Jama

Abdi

Aw Muhumed

4 bloodh

Canada

Osman

Xashi

Awad

5loodh

Canada

Mohamed

Cumar

Ahmed

1balood

USA

Gulied

Cumar

Ahmed

1balood

USA

Ali

Cumar

Ahmed

1.5balood

Canada

Hasan

Mohamed

Ali

2balood

UK

Ibrahim

Mohamed

Abdi

1bloodh

UK

Mohamed

Ahmed

Warsam

1.5balood

USA

Hasaan

Mohamed

Gulaid

2 bloodh

Canada

Khaddar

Haji yusuf

Nur

7bloodh

Norway

Ahmednasir

Maxamed

Ahmed

5blood

Canada

Saciida

Rashiid

Abdillahi

5bloodh

Canada

Maxamed

Ahmed

Hudle

5bloodh

Canada

Hodan

Rashiid

Abdillahi

5bloodh

Canada

Kaize

Sahrdiid

Osman

1bloodh

Somaliland

Kaize

libax

Buraid

1bloodh

Somaliland

Shamis

Mahamed

Odaaw

10 bloodh

Somaliland

Hassan

Maxamed

Salah

4bloodh

USA

Anab

Maxamed

Odawa

5bloodh

Canada

Asha

Maxamed

Odawa

3bloodh

Somaliland

Maryan

xasan

Awale

1bloodh

Somaliland

Zaynab

Jama

Iidan

2bloodh

UK

Khaddar

Yasiin

1bloodh

Somaliland

Khaddar

Abdi

2bloodh

Somaliland

Mohamed

abdullahi

Suugaal

4bloodh

Canada

Abdullahi

Ali

 Ibrahim

10bloodh

Canada

Said

Hassan

Ali Maal

1 bloodh

Somaliland

Magacyada Guddiga

  1. Canab Maxamed Odowaa

  2. Maxamed Axmed Hudle

  3. Aadan C/raxman Sh.Mohu’ed

  4. Maxamed Cumar

  5. Maxamed Adan Cumar.