Hargeysa: Wasiirka Ganacsiga oo xadhiga ka jiray Xarun cusub oo ay sammaysatay shirkadda Al-Nuur

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray dhisme weyn oo ay sammaysatay  xarunta Al-NUUR Furniture ee caasimadda Hargeysa oo ka shaqaysa iibinta qalabka guryaha iyo xafiisyada.

 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed , ayaa sheegay in shirkadda Al-Nuur ay kaalin mug leh  ka ciyaartay ama ka soo qaadaty carwadii u dambaysay ee Somaliland lagu qabtay oo ay ku soo bandhigeen agab door fiican ka qaatay sidii ay ganacsata dalku u dhalatay iyo kuwa shisheeyuhu-ba ay maalgelin ugu samaysan lahayeen waddanka.

 

Wasiirka ganacsigu waxa uu tilmaamay in siyaasadda xukuumadu ay ka turjumayso dhiiri-gelinta ganacsiga iyo maalgashiga kala duwan ee dalka laga fulinayo, isaga oo intaa ku daray in dhismahan ballaadhan ee shirkadda Al-nuur ay ka hirgalisay Somaliland uu soo jiidanayo inay bulshadu hantidooda ku aaminaan waddanka.

 

Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ku hadlayey magaca shirkada Al-Nuur, ayaa sheegay inay tahay mid ganacsi oo marwalba u taagan sidii ay bulshadeeda u soo gaadhsiin lahayd agabka ganacsi ee ay u baahanyihiin. Waxaanu bulshadda u soo jeediyey Somaliland inay xaruntoodan ku soo dhaweynayso waxyaabaha ay qoysasku u baahanyihiin.

 

Waxa kale oo  munaasibada ka qaybgalay Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje), Maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, Agaasimaha baratakoolka Madaxtooyadda Maxamed Cilmi Ilkacase iyo suxufiga rug-caddaaga ah ee Axmed Xasan Cawke, fannaanin iyo marti-sharaf kale.

Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje), ayaa dhiniciisa ka sheegay in mulkiilaha xaruntani uu ganacsigiisa ka soo bilaabay meel aad u hoosaysa isla markaana uu haataan marayo meel aad iyo aad u fiican oo lagu farxo.

Boqollaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee ku nool caasimadda Hargeysa, ayaa booqday goobta cusub ee Shirkadda AL-nuur ka furtay magaalada Hargeysa oo ay ku soo bandhigtay qalabka kala duwan ee ay iibiso; kuwaasoo ay ka mid yihiin sariiraha guryaha, miisaska, kuraasta iyo qalabyo kala duwan oo loo adeegsado qurxinta guryaha iyo xafiisyada.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com