Haweenka oo badhtilmaameed u noqday Weerarada reer galbeedku ku hayaan Islaamka iyo dood cilmiyeed arrintaa lagaga hadlay oo Hargeysa lagu qabtay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Boqollaal haween ah, ayaa ka soo qaybgalay dood-cilmiyeed diiniya oo ku saabsan ka-wacyigelinta haweenka ee duullaanka dhinaca maskaxda ah ee dalalka reer Galbeedku ku hayaan haweenka Islaamka oo loogu magacdaray (Gabadha islaamku wuxuu baray iyo dhaqamada umadaha kale ), ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa.

Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka GUDDOON oo ka shaqeeya horumarinta haweenka iyo ubadka, ayaa waxa muxaadirooyin qiimo leh ka jeediyay Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo labadooduba ka mid ah cullimada sida weyn looga yaqaan Somaliland.

Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed waxay khudbaddahooda ku lafagureen ahmiyadda Islaamku siiyay xaqqa haweenka iyo daryeelkooda, xaqqa ay gurigeeda ku leedahay iyo masuulliyadda saran.

Sidoo kale waxay ka hadleen weerarada reer Galbeedku badhtilmaameed ka dhigteen Qoyska oo ay u arkaan istaraajiyad muhiim weyn u leh burburinta dhaqanka suuban ee Islaamka.

Sheekh Maxamed Aadan oo ka hadlay, sida uu islaamku haweenka u qadariyey  xaqa haweenka waxaanu naqdiyey sheekhu Aragtida reer galbeedka ee ku salaysan in haweenka xuquuqdooda laduudsiyey ,waxaanu tilmaamay in haweenku ay xaqooda ka heli karaan islaamka oo kaliya ,waxaanu xusay, in reer galbeedku dagaal weyn kuhayaan Islaamka isla markaana ay, ka sooweerareen dhinac qoyska.


Sheekh Maxamed waxa uu dumarka kula dardaarmay inay bartaan diintooda Islaamka isgoo ka hadlaayan waxuu yidhi : “Runtii may ahayn inaynu maanta ka hadalno sida Diinta Islaamku uqadarisay Haweenka laakiin waxaa kalifay,waxaa socda weeraro Heenka Islaamka lagu hayo Gabadha muslimka ah waxaa laleeyahay waxbaa kaa maqane raadso ,hadaad, tidhaa maxaa kaamaqan inaanay kow iyo laba ku odhan mayso oo garanba mayso waana fidno laga saarayo xurmada iyo kharaamada uu Islaamku siiyey haweenka Umadda Islaamkan lagu duminayo .”

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, ayaa isaguna ka hadlay marxaladda haweenka Somaliland ku suganyihiin oo uu ku  tilmaamay,in haweenka kuwo la maajaro habaabiyey oo siyaasadda lagu jiheeyay, isgoo ka hadlaayana waxuu yidhi “Runtii maanta haweenka waxaa looga soo dhacay xaga ragga oo gabdhihii ay qabtaan hawhii uu qaban lahaa oo suuqii iyadu u soobaxaan o ay rafaaddo ninkiina uu joogo runtii waa ayaan daro weyn  waxaa markaa haweenka maanta lootusiyaa, in Diinta Islaamku tahay dib u dhac  markaa dawada kaliya ee aad kaga badabaadaysaana waa sharciga Ilahay  oo aanad is odhan diintu waa ku dulmiyeysaa Illahayna aad ku xidhnaato.”ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

Muxaadarooyinka ka da dib waxay haweenku su’aalo Diiniya ku weydiiyeen culimada  oo dhammaantood uga jawaabay.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com