Hawlgal kooxo argagixiso ahi damacsanaayeen inay qaraxyo waaweyn kaga fuliso magaalada Hargeysa oo fashilmay

0

Hargeysa-28-Dec-2011-(Berberanews)- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa fashiliyay qorshe lala damacsanaa in hawlgalo argagixiso qaraxyo lagaga fuliyo magaalada caasimadda Hargeysa, gaar ahaan biriijka labaad ee caasimadda la doonayay in lagu qarxiyo.

Hoggaanka sahanka ciidanka qaranka Somaliland Maxamed  Cabdi Cali oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa sheegay in ciidanka qaranku xalay ku guuleysteen fashilinta qorshe laba nin oo niqaam iyo xijaab soo xidhay ku damacsanaayeen qaraxyo ay ku fuliyaan Biriirjka Labaad ee Hargeysa oo ku kala qaybiya Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada.

 

Sarkaalkani wuxuu soo bandhigay agab kala duwan oo ay siteen labada nin, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanay u suurtagelin qabashada labada nine ee hawlgalka qaraxa damacsanaa inay ka fuliyaan biriijka labaad ee Hargeysa, ka dib markii sida uu sheegay ay baxsadeen

Mid ka mid ah ciidanka qaranka qaybta wardoonka, ayaa habeenkii xalay waxa uu biriijkii cusub ee Hargeysa kula  kulamay laba nin, markaas markay isagii arkeen ee uu ku soo kadiyey [cararay] ayey ka fakadeen isaguna rasaas kumuu ridin markaas waxay tureen qalabkii ay Qarxiya  islahaayeen. waxa weeyeye waxanu  qabanay dhamaan qalabkii wax lagu qarxinayey oo Dicnertaygadii leh, oo Time  Bomkii leh oo Motorkii dabka leh oo qalabkii qaxaiyey oo dhan leh.” Ayuu yidhi Cabdi Cali oo ka warramaya sidii hawlgalkaas ay u fashiliyeen.

Sarkaalku waxa uu intaa ku daray in mid ka mid ah labada nin oo xijaab sitay uu tuuray shandada agabku ku jiray, “ Waxa qalabka sitay labada nin mid ka mida oo Jilbaab xidhaan markaas isaga ayaa hoosta ka soo saaray waxana uu ku sitay shandad yar oo tan garabka lagu qaato ah, markaas Askarigyaga ayaa arkay nin ayaauna ahaa.”

Hoggaanku waxa uu ka hadlay badhtilmaameedka kooxdaasi ku waajahnayd iyo culayska khasaare ee agabkaasi geysan lahaa,  “ Nimankaasi waxay doonayeen inay qarxiyaan Biriijka labaad ee Caasimada oo ay u dhowyahay xarunta Miiska Saraakiisha Ciidanka Qaranka, waxaanaanu taas ku cadaynayaa goobta qalbka lagu qabatay, labdii nin way naga baxsadeen waayo meeshu meel madow ayey ahayd, markaas ooxa

hoostiisa ayey bari iyo galbeed kula yaaceen, Qaraxaasi hadii uu fulilahaa waxa uu baabilin lahaa dhamaan biriijka iyo agagaarkiisa.” Ayuu yidhi Hogaanka Sahanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdi Cali.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com