Hay’ada Wadaniga ah ee HYDA oo Meherado Rayslayaal ah u Furtay Dhalinyaro Tababar dhamaystay. + SAWIRRO

0

Hargeysa, (BerberaNews) —Hay’adda HYDA oo ka shaqaysa arrimaha horumarinta bulshada, gaar ahaan dhalinta ayaa barnaamij kor loogu qaadayo dhaqaalaha bulshada baryahan ku hawlanayd mashruuc xirfado tababaro kala duwan lagu siinayee da’yar isugu jirta gabdho iyo wiilalba, Xirafadaahaas oo kala ahaa: Plumbing, Welding, Masonry, Barber Electronics,Hospitality/laundry attendant iyo Beautification.

hy

Hadaba tabobaradan kala duwanaa ayaa waxa ka mid ahaa tabobar loogu tallo galay da’yarta  la hayb sooco ee degan magaalada caasimada ah ee haygaysa, gaar aahaah sidii dhalinyarada Raylayaasha ah xirfadooda kor loogu qaadi lahaa,

hyd

Hadaba Hay’ada HYDA oo waxa ay sannadka tabobaro la xidhiidha xirfada timo jarista,maamulka iyo maareynta ganacsiyada yaryar ay siisay 20 dhalinyaro ah oo dhamaystay tabobarkaa oo qaatay mudo 4 bilood ah.

hg

Hadaba da’yartan tabobarka la siinayo ayaa isugu jira qaar marka ay tabobarka dhamaystaan la siiyanayo qalab si ay u shaqo tagaan, halka kuwo kalena 5 tii qofba meherado loo furayo, hadaba kuwaa meherada loo furayo waxa ka mid ah rayiislayaal iyo qurxinta dumarka.

gg

Hadaba waxa intaa dheeraa in markii ay dhamaysteen mashruucani oo ay maal galisay Hay’ad USADF ay ugu tallo gashay in 5tii dhalinyaro ah ee dhamaystay tabobarkaba loo furo meherad qalabaysan oo heerkoodu ka sareeyo kuwii hore ay muwaadiniintu ugu shaqaysan jireeen iyada oo aan wax lacag ah aan hada iyo in ay hadhaw soo celiyaan toona laga rabin. Mashruucan oo ah mid aan wali hore wadanka looga fulin mid noociisa ah ayaa dhamaanba ay aad ugu riyaaqeen dadkii ka faa’idaystay.

hhk

Mashruucan ayaa socday  mudo laba sano ah waxana lagu  tababaray 157 qof oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

BerberaNews — Hargeysa