Heerkii Somaliland Ka Gaadhay Aqoonsi-Raadinta Oo Madaxwayne Siilaanyo Isku Fuuqsaday; Xili Afartii Sano Ee Xukuumadiisa Dhaawac-Wayni Soo Gaadhay Labadii Arrimood Ee Dunidu S/Land Ugu Soo Joogsan-Jirtay:  Faallo Naasir Aadan Maxamed

0

 Inakoo 18-kan May u dabaal-dagi doona sanad-guuradii maalintii aynu madaxbanaanideena la soo noqonay ayaa 23 sanadood ka bacdi waxa doorkan farxadeena kala dhantaalaya aqoonsigii aynu inta badan naawilaynay ee aynu waxyar ugu saarnayn xaqiijintiisa oo inaga durkay intii uu xukunka qabtay Madaxwayne Siilaanyo.

Xaqiiqatan mudada afarta sano ku dhawayd ee xukuuumadda Kulmiye ayaa dawladihii, siyaasiyiintii, hay’adihii iyo aqoonyahanadii markay caalamka noqoto aynu tirsan-jirnay ee qadiyadeena la jiray ayaa iyagu xiligan sanka inaga haysta waxaana loo aanay-nayaa guul-darooyinkaa iyo sumcad xumada heerkaa gaadhsiisan xukun-xumida Siilaanyo.

Caalamku wuxuu inagu soo majiiran-jiray nidaamka dimuqraadiga ah ee kolba heer soo marayey ee ka hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalka waxa ka hirgalay axsaab siyaasiya oo doorashooyin ugu tartama codka shacbiga, doorashooyinkaas oo dunidu u qushuuci-jirtay siday u dhacaan.

Horumarka ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada ee ay dunidda kale kaga heli jirtay tixgalinta gaarka ah waxa markasta saldhig u ahaa saxaafadda xorta ah ee dalka ka hana-qaaday oo si wayn u soo jiidan-jirtay indhaha caalamka.

Hadaba intii ka danbaysay doorashadii 2010-kii ee Axmed Siilaanyo noqday madaxwaynaha Somaliland wax badan ayaa iska badalay labadii arrimood ee caalamku inoogu soo joogsan jirtay ee kala ahaa doorashooyinka iyo xoriyada saxaafadda.

Intii uu Siilaanyo madaxwaynaha ahaa waxa istaagay ama dib u gurtay geedi-socodkii aynu sanadaha badan ugu jirnay inaynu ku gaadhno hadafkeenii ahaa aqoonsi aynu caalamka dalkeena uga helno.

Waxa sanadkii 2011-kii Somaliland ka qabsoomay doorashadii ugu horaysay ee fashilanta ee dhiigna ku daato.

Doorashadaasi may fashilmin oo qudha balse way inakala qaybisay iyadoo ina kala dhex-dhigtay dakanooyin iyo calool-xumo badan oo aynu maamulka Siilaanyo ilaa hadda isku dayin sidii loo dawayn-lahaa isla markaana looga taxadiri lahaa in wixii dhacay aanay mar danbe dib u dhicin.

Sixitaan uu ku sameeyo iyo garawshiyo uu ka bixiyo cabashooyinkii ay dadwaynuhu ka muujiyeen kaalintii ay dawladu ku lahayd wixii doorashadaa ka khaldamay daayoo, Siilaanyo wakhtigan xaadirka ah ayuu waddaa qorshe uu ku carqalaydayo doorashada madaxtinimada dalka ee ku beegan badhtamaha 2015-ka taas oo kaliftay in deeq-bixiyayaashu dhawr jeer uga digaan cawaaqib-xumo ka dhalankarta dib u dhac ku yimaada doorashadaa diyaar-garaw la’aan awgeed.

Arrinta 2-aad ee ah ta saxaafadda waxaynu ka wadda dharagsananahay in afartii sanadood ay xukuumadda Siilaanyo dagaal aan kala go’ lahayn kula jirtay warbaahinta madaxabanaan ee dalka oo ay qaylo-dhaantu gaadhay guddo iyo dibad-ba.

Madaxwayne Siilaanyo mar walba wuxuu dhagaha ka furaysan jiray baaqyada ay xukuumadaha iyo hay’adaha caalamka iyo saaxiibadii ay Somaliland ku lahayd dunidu ay u soo jeedinayaan markasta oo xukuumadiisu tacadiyo u gaysato hay’adaha warbaahinta ama suxufiyiinta dalkan ka hawlgala.

Waxa Somaliland markii ugu horaysay ka dhacay isku day-dil oo lala beegsaday suxufiyiin iyo hay’ado warbaahineed oo albaabada loo xidhay oo aan iyaga loo marrin dariiqii sharciyada.

Tirada suxufiyiinta la xidhay afartaa sanadood ee xukuumadda Kulmiye waxay kor u dhaaftay ilaa Boqol iyadoo aynu nahay waddan tirada dadka ku nool lagu qiyaaso 4 Malyan oo qudha.

Xasuuqan uu Siilaanyo u gaystay xoriyatul-qawlkii iyo dhaqamada kali-talisnimada ah ee aynu kor ku tilmaanay ee uu ku wajahay doorashadiii golayaasha deegaanka iyo waliba tuhuno iyo gal-daloolooyin saamayn ku leh mandaqada oo lala xidhiidhinayo arrimaha ka hortaga amaan-darada (Insecurity), waxay dhaawac-wayn u gaysteen sumcadii Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dibadda iyo hayn-waynidii caalamku u hayeen inay gaydo ka mid-noqoshaha dalal dunida ee la aqoonsan yahay.

Isku soo wadda-duuboo Madaxwayne Siilaanyo oo isagu masuul ka ah hin-taaqadda wayn ee inaga soo gaadhay geedi-socodkii ictiraaf raadinta dalka ayaa hadaba wuxuu doonayaa inuu yidhaahdo murashax baan ahay oo shanta sanadood ee danbe ayaan aqoonsigii idiinka keeni doonaa caalam aynu ognahay inaanay arki-karayn oo ay ka quusteen goor aan dhawayn.

 

 

Faallo Naasir Aadan Maxamed