Hirdanka loollan loogu jiro buuxinta jagada Guddoomiye-xigeenka Golaha Wakiillada, Xulashada Cabdillaahi Balaaki iyo sharciyadda Xeer-hoosaadka Goluhu ka qabo

0
ka bilow bidix: Xildhibaan Siciid Cilmi iyo Ibraahin Kacaan

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loolan adag ugu jira buuxinta jagada uu baneeyay Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Cabdicasiis Maxamed Sammaale ka dib markii  Madaxweyne Silaanyo shalay u magacaabay Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa banneeyay laba kursi oo kala ah, xilka jagada Guddoomiye-ku-xigeenimmo iyo buuxinta booska xildhibaannimmo ee xisbiga uu ka soo baxay ee KULMIYE oo iyagu xaq u leh inay u soo magacaabaan xildhibaankii kaydkii u ahaa ee ugu sarreeyay xildhibaannadii dhacay ee aan ku soo bixin doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland.

 Aan ku horeeyo kursiga koowaad ee Guddoomiye-ku-xigeenka  oo wixii magacaabista ka danbaysay ay soo  ifbaxeen loolan ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada oo quud-daraynaya xilka Guddoomiye-xigeenimmo ee uu ka tegay  Cabdicasiis Maxamed Sammaale oo shalay istiqaalad is-casilaada u gudbiyey Golaha.

Inkasta oo aanu jirin xildhibaan ka badheedhay damacaiisa, hadana waxa soo if-baxay magacyada saddex xildhibaan oo loo hadalhayo buuxinta jagadaas, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe (Ibraahin-kacaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada ee miisaanka ku leh xisbiga KULMIYE.

“Waxa banaanaaday laba jago oo midi tahay Xisbigii uu ka soo baxay inuu jagadaas ku soo buuxiyo xildhibaannadii dhacay kii ugu soo xigay xidlhibaanka xilka baneeyay.

Jagadan labaad ee Guddoomiye-xigeenimmo markasta waxay ku imanaysaa loolan tartan oo cod qaadis ah in loo qaado cidda isu soo taagtay, xataa haddii xildhibaan qudhi isu soo taago oo cidi isla soo sharaxi weydi waxa codka kalsoonida u qaadaya Mudanayaasha Golaha Wakiillada.”sidaa waxa yidhi Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir oo aanu wax ka weydiinay sifaha loo buuxinayo labada kursi ee banana.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu cadcadaa ee dagaalka ugu weyn u soo galay guusha xisbiga KULMIYE ku hantiyay talada dalka, ayaa muddooyinkii u danbeeyay aanay isu san banaanayn xukuummadda tallada haysa, haseyeeshee waxa uu xildhibaankani kalsooni badan ka haystaa Mudanayaasha mudada dheer ay saaxiibka ahaayeen, isagopo ka mid ah Xildhibaannada ka soo hadhay Golihii hore ee wakiillada oo uu ka dhaxlay waayo-aragnimmo dheeraada.

ka bilow bidix: Xildhibaan Siciid Cilmi iyo Ibraahin Kacaan

Xildhibaanka loolanka kula jira ee Axmed Ibraahin Haybe (Ibraahin-kacaan) isaga laftiisu waxa uu ka mid yahay xildhibaannada xisbiga KULMIYE ku dhaato, isagoo weliba Xildhibaan Siciid uga faro dhuudhuuban dhinaca madaxtooyadda iyo xukuumadda talada haysa, taasoo uga hiilin karta xildhibaanka kale ee isagu debedda uga booday xayndaabka halgankii xukuummadda uu u soo galay.

Haddii aynu jaleecno jagada labaad ee Wasiirku ka tegay ee dhinaca xisbiga KULMIYE iyo xildhibaanka dhaxal-sugaha ahi waxa weeye Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki), haseyeeshee waxa soo baxaya warar sheegaya inuu Agaasimuhu ku jiro (Beerka jecli xaydha jecli) oo uu xulasho ugu jiro inuu is-tiqaalad iscasilaada u gudbiyo Madaxweyne ka dibna dhaxlo kursiga Cabdicasiis Sammaale iyo inuu ku adkaysto xilka Agaasimenimmo oo booskiisana la keeno xildhibaankii Agaasimaha ugu xigay dhinaca codadka xildhibaannada kaydka ah.

“Haddii uu Cabdillaahi [agaasimuhu] ka tanaasulo anigaa buuxinaya, haddii kalena isagaa xaq u leh.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ku-xigeenka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye. Maxamuud Jaamac Warfaa oo buuxin doona jagadaas hadii uu ka tanaasulo Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki).

Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)

Berberanews.com, Hargeysa

Email,info@berberanews.com