Hoggaaminta Siyaasadda – W/Q: Abdihakim Yusuf

0

(By) Abdihakim Yusuf Kheire, B.A., M.A. President, Institute of Democracy & Governance, Berbera, Somaliland.

Lixdii madaxweyne ee ugu horeeye dalka maraykanka afar waxay u dhasheen gobolka Virginia. Somalia & Somalilandna madaxda ugu badani waxay ku abtirsadaan goboladda Mudug & Togdheer! Tolow labadan gobol maxaa hodan kaga dhigay kobcinta madaxda? Mudug & Togdheer waa laba gobol oo ku yaal dhul baahsan oo beelo badani degen yihiin kuna hirdamaan fursadaha awoodeed ee dhaqaale, dhul-daaqsimeed & siyaasadeed. Siyaad Barre subaxdii warbixinta gobollada ee joogtada ah wuxuu madaxdii sirdoonka qaranka weydiin jiray: Waar labadii xero wax war ah? Mudug & Togdheer waxaa laba xero beeleed ka dhigay hirdanka joogtada ah ee beelaha isku dhafan. Tafiir ahaan beelahani way kala guursadaan dhiig ahaana way isla falgalaan. Waa sababta hodan kaga dhigay in madax isu dhigmaa gobolladan ku dhashaan. Mudug: Cabdilaahi Ciise, Adam Cabdulle Osman, C/Rashiid Ali Sharmarke, A/Risaq X. Xusien, Siyad Barre, Jeneral Maxamed Farax Caydiid, C/Qasim Salad Xasan & Kornayl Cabdilaahi Yusuf Axmed. Togdheer: M.I. Cigaal, A/Raxman Axmed Ali, Kornayl C/Qaadir Koosaar Axmed, Axmed Mohamed Silanyo & Dr. Cali Khaliif Galaydh….

Dhaqan ahaan madaxda Soomaalidu waxay u qaybsamaan sadex: (1) Maqan Haybiye. (2) Helaa dhaqe & (3) Hagid Yaqaan.

Maqan Haybiye: Xilka hogaamiyahani waa ruuxi waxaanu dejiyaa mabaadii guud oo qeexa qaabka nolosha, dhaqaalaha & siyaasada. Hogaamiyahani fursad uma helo inuu dejiyo nidaam siyaasadeed oo taabo gala. Macnawiyan midhaha uu beero isagu ma cuno. Jamac ahaan sababta siyaasada Soomalidu u saldhigi ladahay waa maqnaanshaha hogaamiyahan dejin lahaa hadafka qaaciidada nolosha qofka Soomaaliyeed. Fikriyan Seyidkaa ugu dhawaa laakiin waxaa is buriyey fariintiisi wacdiga diiniga ku salaysnaa & fulintiisi la dirirka isticmaarka.

Helaa dhaqe: xilka hogaamiyahani waa isku ururinta bulsho ama qaran bur-buray ama guumayste kala qaybshay. Labada hogaamiye ee tusaalahan buuxiyey midna fursad uma helin inuu dhamaystiro waajibaadkiisa qaran (Cabdilaahi Ciise) midna wuu u helay (M.I. Cigaal).

Hagid Yaqaan: Shaqada hogaamiyahani waa fulinta awaamiirta nolosha ee daruuriga ah: Soomaali wali shakhsiyaadkani xil uma qaban: Eebow laba ama sadex noogu gar-gaar. Caalamiyana madaxdan waxaa ka mid ah Lew Kew Yew & Mahathir Mohamed oo daliil u ah in dunida sadexaad marxalada foqorka ka gudbi karto hadii madax suuban oo hegid yaqaana la helo.

Cabdilaahi Ciise & M.I. Cigaal:

Siyaasiyiinta waxaa lagu qiimeeya markay ugu darnayd muxuu dadkiisa & dalkiisa taray? Cabdilaahi Ciise waa curidka siyaasada casriga ee Soomaalida. Wuxuu curiyey astaanta qaranimada ee calankii Soomaalida. Wuxuu ku gulaystay mudadii dawladda daakhiliga magan-gelinta siyaasiyiintii gobanimada doonka Soomaaliyeed ee Jabuuti & Soomaali galbeed u dhashay; wuxuu madaxdii Somaliland ku qanciyey in midnimadu ka khayr badan tahay gooni-isu-taaga; dawlad midnimo qaran ku salaysana uu dhisi doono. Ugu danbayn wuxuu xaqiijiyey in Soomaalidu hanan karto nidaam dawladnimo. Nasiib daro maamuulkii Cabdilaahi Ciise waxaa dhidibada u fujiyey inqilaabkii kooxdii sadexlayda ahayd (Rashid, Rizaq & M. Abshir) ee Talyaanigu carbiyey oo ku hanjabay hadii derajada lagu taxi waayo inay qaadacayaan madaxbanaanida Soomaaliya. Kooxdani waxay qawadeen saamigii xaqa ahaa ee uu Cabdilaahi Ciise u qoondeeyey beesha Majeerteen: Xaaji Muuse Boqor: Wasiirka Hawlaha Guud. Laakiin guushiisii waxay ku naanayseen “Governo-Sacad”. Waxayna Madaxweyne Soomaaliyeed u caleemo saareen adeerkood (Xaga xididnimada) Adam Cabdulle Osman. Adam Cabdulle wuxuu ahaa madaxweyna maqaar-saar ah taariikhda Soomaalidana waxaa ku xardhan mucaqadnimadii uu ku magacaabay laba Raysal Wasaare oo Majeerteen ah: Mar waa Rashiid; mar waa Rizaq; inta kale ma rooti-baa? bay beesha Abgaal ku botariyeen iyagoo duraya xilkasnimada madaxweynaha! Cadaaladii Adan Cabdulle waxay qadisay oo quudhsatay Somaliland; waxayna u quus goysay reer NFD & reer Djibouti oo u qiiraysnaa midnimada Soomaaliya.

Kacdoonkii Soomaliland ee qaadacaadii aftidii distoorka Soomaaliya June 1961; Inqilaabkii Saraakiisha Ciidamada ee Dec 1961 & riditaankii dawladii C/Rizaq X. Xuseen waxaa xaliyey Madaxweyne C/Rashid Cali Sharmarka oo xulafaystay M.I. Cigaal isagoo qiraya in Cigaal lixdankii xaq u lahaa Raysal Wasaaranimada Soomaaliya. Dawladii midnimo qaran ee Cabdilaahi Ciise kontameeyadii ku balanqaaday, lixdameeyadii bay curatay. Laakiin xulafaysigii Isaaq & Majeerteen waxay mijo-xayuubisay awoodii beesha Hawiye ee curadka Soomaaliya ahayd waxayna sababtay gadoodkii Gabayre. Kornayl Salaad Gabayre wuxuu horseeday afgambigii dawladii C/Rashid & Cigaal isagoo ka xanaaqsan riditaankii sodogii Adam Abdulle Osman. Adam Cabdulle waxaa fashiliyey dulmigii & sad-bursigii uu Majeerteen & reer Muuse-Mataan u kiilay.

Hogaamiyaha Gobolka Nooca-Hoggaanka Guusha
1 Cabdilaahi Ciise Mudug Helaa Dhaqe Hanashadii Nidaam Dawladnimo
2 A/Rashid Cali Sharmarke Mudug Helaa Dhaqe Dawladii Midnimo Qaran 1967-9
3 Maxamed Ibrahim Cigaal Togdheer Helaa Dhaqe Dib-u-dhiskii Jamhuuriyada Somaliland
Madaxda Soomaalida M.I.Cigaal baa ugu nasiib darnaa uguna fursado badnaa. Caalamiyan waa siyaasiga qudha ee dawlad madax ka noqda ee dawlad kale ku biiray ee wasiir waxbarasho loogu abaal guday! Sagaal sanno ka dib markii uu dulmigan ka soo kabtay ee xilkii uu xaqa u lahaa gaadhayna waxaa inqilaabay saraakiil reer koonfureed u badan oo kacdoon dhaga-raysan oo qayrul qaanuun ah ku burburiyey nidaamkii rayidka ahaa markii uu saxmay ee dawlad midnimo qaran la dhisay. (Shan & Labaatankii Xubnood ee Golihii sare ee Kacaanka sagaal xubnood oo keliya baa Somaliland u dhashay: 9/25: boqolkiiba lix & sodon). Labadan dhacdo waxay M.I. Cigaal u tababareen inuu guto xilkii ugu muhiimsanaa ee uu abid Soomaali uu u fuliyo: dib-u-dhiska Jamhuuriyada Somaliland.

Abdihakim Yusuf Kheire