Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane oo Jabhadda Galgala u soo jeediyey inay cagta mariyaan Puntland, kana hadlay istaraatijiyadda deeganka

0

Soomaaliya-(Berberanews)- Amiirka Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida Axmed Cabdi Godane oo kooxdiisa looga dhex-yaqaanno Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr), ayaa ka hadlay Jabhadda ku dhuumaalaysata Buuralayda Galgal oo ku taallada duleedka magaalada Boosaaso, isla markaana u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo dhawaan shaaciyey inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Axmed Cabdi Godane, Jabhadda Buuraleyda Galgala oo dhawaan ku biirtay Al-shabaab wuxuu ku boorriyay inay cagta mariyaan Puntland, waxaanu ugu baaqay shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Bari inay garab-istaagaan Islaamka taariikhdii jihaadka ay ku laahaayeenna soo nooleeyaan.

Axmed Cabdi Godane oo codkiisa oo Cajalad ku duuban laga sii daayay Idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus, wuxuu ku sheegay in Kooxda Galgala deggan tahay mid ka mida Buuraha Silsiladda Golis, isla markaana ah meel aad ugu fiican Jihaadka oo ay ka ag-dhaw yihiin dhulkii uu ka dagaallami jiray Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Xeryihii Daraawiishta, sidaa darteedna looga baahan yahay inay ogaadaan inay halkaasi muhiim u tahay wax uu ugu yeedhay jihaadka Muslimiinta.

Amiir Subeyr waxa uu weeraray dawladda Turkiga oo uu sheegay inay u adeegayso gumaysi lala maaggan yahay dalkii la odhan jiray Soomaaliya, waxa uu cambaareeyey shirkii Soomaalida London dawladda Ingiriisku ugu qabatay 23-kii bishii labaad ee sannadkan. Waxaanu yidhi; “Waxaa xusid mudan marka laga hadlayo shirkii London – kaalinta foosha xun ee uu Turkigu ay ku leeyihiin shirqoolka loo maleegayo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah, Tukiga wuxuu gabbaad u noqday duulaanka saliibiga ah ee lagu hayo ummaddeenna.”

Axmed Cabdi Godane oo la hadlay Al-Shabaabta Galgala waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay mujaahidiinta Golis, waa inaad ogaataan inaad ku aaddan tihiin aag muhim ah oo halbowle u ah jihaadka geyigan, waxaanad kulaalaysaan Dhulkii Daraawiishta xarunta u ahaa sida: Jiidali, Taleex iyo meelaha kale ee la midka ah.”

Abuu-Zubeyr, wuxuu intaas ku daray inuu Illaahay ugu mahad-naqayo in hal qarni ka dib jihaadkii Daraawiishta mar labaad gulufkii Islaamku kusoo rogaal-celiyo dhulkaas. Isagoo ku boorriyay xoogagga ku sugan Golis in maanta laga sugayo inay dib u soo cusboobaysiiyaan dacwadda Towxiidka, jihaadka iyo ku-dhaqanka shareecada Islaamka.

Hoggaamiyaha Al-Qaacida Soomaaliya ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxa uu ku hanjabay in dagaal ay ku hoogi doonaan ku soo fool-leeyahay Ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, isla markaana dagaallada ka caawiya dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya, isaga oo dhinaca kale, tilmaamay in Ciidammada dawladaha Kenya iyo Itoobiya ku fashilmeen dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab. Waxa kale oo uu Cajaladdaas baaq ugu jeediyey dadka Soomaalida ah oo uu u soo jeediyey inay taageeraan Al-Shabaab, isla markaana ka soo horjeestaan wax uu ugu yeedhay cadaw dalkood ku soo duulay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.