Hoggaamiyaha TPLF oo wacad ku maray inuu dagaalka sii wadi doono

0

Tigray-Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa jawaab kasoo saaray 72 saacadood oo ay dowladda Itoobiya ugu qabatay inay isasoo dhiibaan.

Xilli uu sii xoogeystay dagaalka culus ee ka socdo waqooyiga waddanka Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, ayaa xoogagga gobolka Tigray iyo madaxdooaba siiyay saddex maalmood oo kama dambeys ah si ay hubka u dhigaan dowladdana gacanta ugu soo galaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday sheegashadii dowladdiisa ee ahayd inay tiro aad u badan” oo ka mid ah ciidamada jabhadda Tigray isu soo dhiibeen, inkastoo sheegashadaas aan si madax bannaan loo xaqiijinin, isgaarsiinta go’an awgeed.

Laakiin jawaabta la wada sugayay ee siyaasiyiinta majaraha u haya Tigray-ga ayaa noqotay mid aysan dowladdu ku farxi doonin.

“Waxaan leennahay shuruuc aan ku dhaqanno iyo mabaadii”, ayuu yidhi hoggaamiyaha jabhadda la magacbaxday Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Tigray, Debrestion Gebremichael.

Farriin uu soo diray ayuu kusheegay inuu ku gacan seydhay yabooha amarka dowladda dhexe, wuxuuna wacad ku maray inuu dagaalka sii wadi doono.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada TPLF ay naftooda huri doonaan, taasina ay lagama maarmaan tahay.

Sarkaal kale oo ka mid ah madaxda Tigray ayaa isaguna sheegay in qof walba oo Tigray ah – mid hubeysan iyo mid aan hubeysneynba – uu la dagaallami doono milatariga dowladda dhexe.

Getachew Red ayaa sheegay in dagaalka ay ku gali doonaan ‘xitaa mindiyo iyo waramo’.

Dhammaan farriimaha ka imaanaya magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekelle waxay sheegayaan in dagaalka dhiigga ku daadanayo ay u badan tahay inuu sii socdo.

Waxaa la qiyaasayaa in boqollaal qof ay ilaa hadda ka dhinteen labada dhinac ee uu u dhaxeeyo dagaalka, oo hadda galaya isbuucii afaraad.

Waxaa jirta cabsi sii kordheysa oo laga qabo inay dhacaan xasarado bani’aadan. Inta uusan dagaalka billaabanin ka hor, gobolka Tigray wuxuu hoy ugu ahaa qaxooti reer Eritrea ah oo ay tiradoodu tahay boqol kun oo ruux.

Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in dadkaas ay adeegyada uga go’i karaan hal isbuuc gudihiis.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xabsiga u taxaabtay 167 ruux oo ay u raadineysay eedeymo ku saabsan inay dagaalka ku lug leeyihiin. Waddamada dibadana waxay ka codsatay inay usoo gacan galiyaan kuwa kale ee la tuhunsan yahay ee waddanka bannaankiisa ku nool.

In ka badan 40,000 oo qof ayaa ilaa hadda ka barakacday dagaalka Itoobiya, waxayna gaareen waddanka dariska la ah ee Suudaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Xigasho Bbc Somali