Hoggaamiye Xirsi Xaaji-cali oo dhalliilo xoogan u soo jeediyay Xukuumadda Kulmiye

0

Hatgeysa-(Berberanews)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Xaaji-cali Xasan, ayaa sheegay inaanu hal mashruuc oo xukummadda Madaxweyne Biixi dalka ka hirgelisay mudadii ay xilka haysay oo shacbku ku hungoobeen.”Sidaad ogtihiin Madaxweynaha markii talada dalka loo dhaariyay ilaa maanta wax mashruuca oo macno leh oo nulshada isheedu soo jiidato, oo hankeeda kor u qaada, oo himilladii ka jawaaba ummaddu lahayd kuma hayno.” Ayuu yidhi Mr Xirsi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Hoggaamiye Xirsi waxa uu hoosta ka xariiqay Mashruuca shaqo qaran oo uu sheegay in dalku u baahanyahay dhallinyaro aqoonyahan ah oo dub u dhiska dalka ka qayb qaata ee aan loo baahnayn askar badan oo dalku yeesho.”Waxay sheegtaa wax la yidhaahdo ‘shaqo qaran’ oo ardayda ciidan la geeto, maba xuma in la tobanaro laakiin intee la tobabarayaa? Sannad walba 20 kun baa soo baxee ma boqol kun oo askari buu u baahanyahay mise boqol kun oo u shaqeeyuu dalku u baahanyahay? Markay noqoto difaac boqol kun oo askari waa loo baahanyahay ee baahidaasi jirto laakiin gaajada, busaaradda iyo duruufaha ku xeeran ayaa u baahan in laga jawaano.”

Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan, oo ka hadlay safarka Maxweynaha ayaa sheegay inaanu ahayn safar wax loogu qabanayo bulshada,isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.”Mana ah in kuwa loo tegay wax loo qabanayo ama aanu ka Xunnahay laakiin Qolana wax loo qaban maayo, e waa Qaybi oo Xukun iyo in iyaga Madaxyadooda la isku garaaco. waxaanu leenahay Umadda ma dhaqdo sidaasi kaamana gaydo wax ka weyn ayaa la idinka sugayay oo Barmaamijkiinii aad Umadda u soo bandhigteen meeshii la taabtaba waa Boog.”

Halkan ka daawo Xirsi Cali X. Xasan oo dhammaystiran.