Horumarka magaaladu waxay ku xidhan tahay, Xisbiga Maayarku yahay. By Amir Bidde

0

Waxa Xisbiyada mucaaridku xooggooda saareen siday u heli lahaayeen maayarada magaalooyinka muhiimka ah. Si ay muraadkooda u gaadhaan, mucaaridku wuxuu sameeyey isbahaysi ku salaysan; qaatee qaado. Afarta magaalo ee loo tafa xaytay waa Berbera, Burco, Gabiley iyo Hargaysa (alphabetical order), waa magaalooyinkii maayaradoodu Kulmiye ahaayeen. waxa xusid mudan in doorashadii deegaanka ee tan ka horraysay uu xisbiga UCID helay maayarnimada Berbera iyo Gabiley. Hase yeeshee labadaa maayarba ay ka baxeen xisbigoodii ayna ku biireen xisbul xaakimka. Ka dib markii xukuumaddu cidhiidhi gelisay ee ay far dhaqaajin kari waayeen. Waayo ninka dhaqaalaha magaalada soo hooya ee maamulaa waa xoghaya dawladda hoose, waxana soo magacaaba wasiirka gudaha. Ninka ka sarreeya maayarka ee leh la tashiga, qorshaha mashaariicda iyo galaangalka madaxtooyada waa badhasaabka gobolka, waxana soo magacaaba madaxwaynaha. Markii ay labadaa maayar ku biireen xisbul xaakimka waatii wax walba loo fududeeyey ee wax qabadkookii meel walba laga ammaanay. Wax qabadkoodii waa tii xukuumaddu buunbuunisay. Buunbuuninta iyo ammaantaa siyaasadda salka ku haysaa waxay keentay in dadku jeclaadaan labadaa maayar oo markale isa soo sharraxaan, lana doorto. Markaa maayarka aan ka haysan taageero buuxda iyo wada shaqayn togan labadaa nin (badhasaabka iyo xoghaya dawladda hoose)  waxba uma qabsoomayaan, dadkii soo doortayna way nici doonaan. Wasiirkii arrimaha gudahaa ee waqtigaa, ina Waran Cadde, ayaa tabtan u isticmaalay maayaradii UCID ee waqtigaa, taasoo ku kalliftay inay xisbigoodii ka baxaan si ay mustaqbal siyaasadeed u yeeshaan. Waxa xusid mudan in habeenkii dhowayd ee Cabdikariim A. Mooge madaxwaynaha u tegay, in wasiirka guduhu qudbad ka jeediyey madashaa. Wuxuu ku gooddiyey wasiir Kaahin in maayor walba isaga hoos imanayo, xisbiguu doono ha ahaadee. Waa digniin! macnaheedu yahay: haddaad rabto inaad wax qabad muuqda la timaad soo gal xerada Kulmiye.

Arrinta guddoonka baarlamaanku way ka duwan tahay ta deegaanka. Baarlamaanku waa ka madax bannaan yahay xukuumadda, oo isagu dhaqaale ma maamulo, mashaariicna ma fuliyo. Haddana xukuumaddu marna ka gacan madhnaan mayso hagidda baarlamaanka. Waxayna saamayn wayna ku yeelan ansixinta shuruucda, sidii waqtigii guddoomiyaha baarlamaanka uu ahaa Cabdiraxmaan Cirro oo ahaa mucaarid (markii hore UCID markii dambena waddani), Xukuumadduna isla waqtigaa waxay ahayd UDUB, markii dambena Kulmiye. Xukuumadahaasi waxay iyagu rabaan uumbaa hirgeli jiray (ka fikir heshiiskii dekedda Berbera iyo siduu guddoomiyaha baarlamaanku uga soo horjeeday, ugana dagaallamay, haddana xoog & xeelad lagu ansixiyey heshiiskii).

Wa Billahi tawfiiq,

A. Amir Bidde