Howard Webb Oo Qaban Doona Kulanka Semi-finalka Champions League Ee Munich v Madrid.

0

(Berberanews Sports):- Uefa ayaa ku dhawaaqday in Howard Webb uu qaban doono kulanka habeenka Salaasada ee semi-finalka Champions League ee u dhaxeeya kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid ee ka dhacaya Allianz Arena.

Tababaraha Ingariiska oo 40 jir ah ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu sarsareeya ee Yurub, isagoo qabtay finalkii Champion League iyo finalkii koobka adduunka ee 2010. 

Waxa uu qabtay 42 kulan xilli ciyaareedkan 2011-12, oo ay ku jirto Champions League, lakiin marnaba muu qaban kulan ay ciyaarayaan midkoodna Madrid ama Bayern.

Uefa ayaan weli ku dhawaaqin garsooraha qaban doona kulanka kale ee semi-finalka ee habeenka rabacada Stamford Bridge ku dhexmari doona Chelsea iyo Barcelona.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports