Ibrahim Afellay Oo ka Hadlay In Uu Aad Ugu Hanwayn yahay in Barcelona,championka Ay Qaadi Doonaan.

0

Ciyaaryahanka Reer Holland ee naadiga Barcelona Ibrahim Afellay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay lasii joogitaanka naadiga kubada cagta ee barcelona kadib markii uu gool kulahaa mid kamid ah sadex gool ay naadigiisa kadhaliyeen Naadiga Malaga kaasi oo ahaa kulankii ugu dambeeyay horyaalka dalka Spain.

24-Jirkaasi Muslimka ah ayaa waxaa uu waraysi siiyay idaacad Barcelona Afkeeda kuhadasha ayaa waxaa uu kahadlay warar sheegaaya in uu katagaayo si amaah ah naadiga Katalooniya uuna aadaayo Horyaalka Dalka Ingiriiska waxaa uu warar been abuur ah kutilmaamay wararkaasi isaga oo yiri.”waa Been kama tagaayo naadiga Barcelona,hadii aan katagaayo maxaa u imaaday wali kama gaarin ujeedooyinkii aan u imid oo ahaa in aan kamid noqdo xidigaha ay kutashtaan,waligeey kama tagaayo naadigana waana jeclahay,waligeey ayaa kuriyoon jiray naadigan,waana tan aan aduunka ugu jeclahay Barcelona”ayuu yiri ciyaaryahankan qaaliga ah.

Isaga oo sii wata waraysigiisa ayaa waxaa uu kahadlay fiinaalka koobka kooxaha horyaalka yurub ee Championka oo ay 28-ka bishan wada ciyaari doonaan Barcelona kaasi uu sheegay in uu waligiis kuriyoon jiray in uu qaado koob noocaan oo kale ah oo yurub laga tix galiyo waxaana uu sheegay in ay ManUnited kaqaadi doonaan koobkan.

Ciyaaryahankan ayaa waxaa uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Marooko laakiin waxaa uu kudhashay kuna soo barbaaray dalka Holand oo markii dambe kamid noqday xulka waawayn ee qaranka waxaana hada uu yahay mid kamid ah xidiga ugu caasan qarankaasi,waxaana uu intaa sii raaciyay in uu xulkiisa kula guuleesan doono mar uun ay noqotaba koobka aduunka.

Wiilkan da,da yar ayaa ah ciyaaryahan muslim ah hooyadiisa Faaduma iyo aabihiisa waxaa ay kunool yihiin caasimada dalka Holland waxaan ay mar waliba taageero uyihiin naadiga Barcelona uu wiilkooda ucayaaro waxaana ay nasiib uyeesheen in ay yimaadaan magaalada Barcelona aynadaawadaan cayaartii ay 3-1 barcelona kaga adkaadeen naadiga Malaga oo Afellay mid kamid ah goolasha.

Mustafe maxamuud “kastam”

shaafici_3@hotmail.com