Idriss Deby: Siduu jiidda hore ee dagaalka ugu dhintay madaxweynihii dalka Chad?

0

Chad-(Berberanews)-Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ayaa si lama filaan ah ku geeriyooday kaddib markii uu dagaal dhacay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ay ciidamada waddankiisa kula jiraan xoogagga fallaagada, sida ay taliska militariga ka shaaciyeen telefishinka dowladda.

Af hayeen u hadlay militariga Chad ayaa sheegay in madaxweyne Idriss Déby uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka safka hore.

Janaraal Azem Bermandoa, oo ah afhayeenka militariga ayaa yidhi: “Neeftiisii ugu dambeysay wuxuu qaatay isagoo difaacaya qarannimada, wuxuuna ku sugnaa goobta dagaalka gudaheeda.”

Dagaalka uu madaxweynaha ku dhintay ayaa dhacay dabayaaqadii isbuuca.

Déby oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlan yihiin olole ay ku qabsanayaan dhul hor leh.

Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in Déby mar qura la kulmay dagaal xooggan.

Ciidamada militariga dalka Chad ayaa isku dayaya inay xakameeyaan fallaagada hubeysan oo damacsan inay gacanta ku dhigaan magaalada caasimadda ah ee N’Djamena.

Subaxnimadii Axadda, wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa arkay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa amniga Chad oo ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xoogagga fallaagada Chad ay ku sii siqayaan magaalo madaxda dalkaas ee N’Djamena. Bayaanka kasoo baxay Washington ayaa shaqaalaha aan lagama maarmaanka ahayn loogu amray in ay isaga tagaan xafiisyada iyo goobaha shaqada maadaama ay suuragal tahay inuu qalalaase dhaco.

Afhayeen u hadlay fallaagada Chad ee lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa isbaddalka iyo mideynta (FACT) ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay “xoreeyeen” gobolka Kanem, oo qiyaastii 220 km (136 meyl) u jira caasimadda N’Djamena, laakiin dowladda ayaa beenisay sheegashadaas.

“Dadka soo qoraya wararkan been abuurka ah xitaa ma joogaan goobta ay wax ka socdaan, laakiin waxay ku sugan yihiin Yurub,” ayaa lagu yidhi farriin ay dowladda Chad soo dhigtay boggeeda Facebook.

Hal maalin ka hor dowladda Britain ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Chad ugu baaqday inay isaga baxaan halkaas kaddib markii lasoo gaarsiiyay xog ku saabsan in ay olole wadaan fallaagada, ayna kusii dhawaanayaan magaalada Faya oo 770 km (478 meyl) dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda N’Djamena.

Guusha doorashada

Waxaa la filayay in madaxweynaha loo caleema saaro kursiga markii lixaad, maadaama ay muuqatay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 11-kii bishan April.

80% ka mid ah coodadkii la tiriyay ayuu ku guuleystay sida lagu qeexay natiijada hordhaca ah.

Laakiin markii lagu dhawaaqay geeridiisa waxaa la kala diray dowladda iyo baarlamaanka. Gole ka socda militariga ayaa dalka Chad maamuli doona 18-ka bilood ee soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Janaraal Mahamat Kaka loo xushay inuu noqdo hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowladda.

Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay.

@Bbc Somali