Ikraan Tahliil: Taliyihii shaqada sirdoonka qoray oo ka hadlay ‘dilkeeda’

0

Waxaa isa soo tarayaa su’aalaha ku gedaaman shaacinta dhimashadii Ikraan Tahliil, oo shalay fiidkii lagu shaaciyey warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamayey in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Ikraan ayaa la waayey ka hor inta aan la shaacin dilkeeda 26 juun, see sannadkan ku dhawaad laba bilood ka hor.

Waxaan BBC-du la xidhiidhay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, oo laf ahaantiisa aqoon u lahaa gabadha, shaqada sirdoonkana ka qoray.

“Gabadha anigaa shaqada siiyay, waxay ahayd gabadh dhallinyaro ah oo Kenya wax ku soo baratay. Waxa ay gabadh ahayd qof qunyar socod ah oo afgaaban oo shaqadii loo dirana ka soo baxdo; qof caqli badan oo dhawrsan ayay ahayd,” ayuu yidhi sanbalooshe.

Wuxuu Sanbaloolshe sheegay in uu jiro qof marki hore u soo jeediyay in gabadhan uu shaqa geliyo. “Arrinkan arrin ugub ah weeye. Arrinkan ama hay’addaa fulisay ama wadashaqayn hay’adda iyo alshabaab u dhexeysa baa fulisay,” ayuu yiri isagoo su’aal geliyay shaacinta dilkeeda.

Ikraan waxay bishii August ee sannadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.

Maxaa la samayn karaa si kiiskan dib loogu baadho?

Sanbalooshe, ayaa qaba in la sameeyo baadhis madax bannaan, hawshana ay u taallo madaxda sare ee dawladda sida Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha.

“Ciddii la baari lahaa ma ahan sax in ay iyadu wax baarto, waayo cidda ugu horraysa ee laga shakin karaa waa haayadda”, ayuu yiri.

“Haayadda sirdoonka wax laga sugayo ma lahan. Waa in madaxda sare ficil qaadaan oo haayadda la baaraa, waana la heli karaa.”

“Waa in guddi xirfadlayaala la saaraa oo dib u dhisa caddaymaha ah halkii ay wax ka bilaabmeen, waayo adduunka tiknolojiyad ayaa jirta hadda”, ayuu sii raaciyey hadalkiisa Sanbalooshe.Wuxuu Sanbalooshe aaminsan yahay in haddii kiiskan la dhayal sado ay wax badan hallaabi doonaan, haayadaha dawladduna faraha ka bixi doonaan.

Hooyadeed maxay ka tidhi arrinta ah inanteeda ‘in la dilay’?

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab, sida ay u sheegtay BBC-da.

Hasayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.”

“Gabadhaydii meeshii laga qaaday, halkii laga qaaday, gaarigii qaaday iyo darawalkii qaaday iyo gacantay ku danbaysay waan ognahay. Haday dileen gabadhaydii qolodaas ayay raad tirinayaan, wax ka jirana ma lahan,” ayay tidhi Qaali, hooyada Ikraan.

“Gabadhaydii waa nooshahaay ma dhihi karo, waa dhimatayna ma dhihi karo,” ayay hadalka ku sii dartay Qaali

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

“Qoys ahaan annaga warka hadda soo baxay kuma qanacsanin, CID-da wax war ah ma noo keenin; maxkamadda ciidamaddaan tagnay, waatii guddi la bixiyey, baadhis bay waddaa illaa hadda.”

“Arrintan umadda Soomaaliyeed iyo waxgaradkaa waa arkaan halka ay ku socoto, ha soo farageliyaan ayaan leennahay,” ayay sii raacisay hadalkeeda hooyo Qaali.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo arrintan la xiriira oo si rasmi ah uga soo baxay hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya.@Bbc Somali