“illaa xilka lay wareejinayo halkaa kama kacayo” Maayarka cusub ee Golaha Deegaanka Saylac doorteen

0

Saylac-(Berberanews)-Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Saylac iyo Maayar cusub oo ay dhawaan doorteen, Sacad Daahir Cige, ayaa gogoshiidii saaka hordhigtay Xarunta Dawladda Hoose.

Xildhibaannadu waxay sheegeen inaanay halkaas ka hor kacayn ilaa xilka lagu wareejiyo Maayarka cusub ee ay doorteen, waxaanay ku doodeen inay sifo sharci ah ku taaganyihiin.

Maayarka cusub ee Xildhibaannadu doorteen, Sacad Daahir Cige, ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku eedeeyay inuu ka dambeeyo xiisaddan oo uu diidanyahay inuu xilka la wareego, “Markii aan ka warsugnay Wasaaraddii Arrimaha Guduhu inay Xilwareejin sammayso, Markaan aragnay in arrinta Golaha Deegaanku igu doorteen si saxa u dhacay, ee Madaxweyne ku xigeenkii Jamhuuriyadda Somaliland yidhi ‘ninkaa xilka looma wareejin karo’ dee anigu ma garanayo sababta uu ii diidanyahay, laga bilaabo saacadaas waxaan horfadhiyaynaa Xafiiskii lay doortay ee Maayarka Saylac, ilaa xilka lay wareejinayona halkaas kama kacayno,” Sidaa waxa yidhi Sacad Daahir Cige.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Xiisadda ka taagan Golaha Deegaanka Saylac ee Daawasho wacan.