Imaaraadka oo si rasmiya u furay safaaraddooda Israel

0

Israel-(Berberanews)-Isutaga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa safaaradiisa ka furatay Israel, wax ka yar sanad kadib markii labada dal ay sheegeen inay dhisayaan xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Safaaraddu waxay ku taal dhismaha Tel Aviv Stock Exchange iyo furitaankeedu waxay daba socotaa furitaankii safaaradda Israel ee Imaaraadka bishii hore.

Goobta oo ku taal badhtamaha degmada maaliyadeed ee Israa’iil ayaa muujisay doorka dhexe ee iskaashiga dhaqaale uu ciyaaray tan iyo markii Imaaraadku noqday waddanka saddexaad ee ee Carab ah ee aqoonsada Israel.

Xafladda, oo uu ka soo qaybgalay madaxweynaha cusub ee Israel, Isaac Herzog, danjiraha Imaaraatka Mohamed al-Khaja ayaa ugu yeedhay furitaanka safaaradda “mid muhiim u ah xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya labadeena dal” “Imaaraadka iyo Israel waa labada dal ee hal abuurka leh, waxaan uga faa’iideysan karnaa hal-abuurnimadan inay ka shaqeeyaan sidii mustaqbal barwaaqo iyo waara loogu heli lahaa dalalkeenna iyo gobolkeenna,” ayuu yidhi.

Herzog wuxuu ku baaqay in “heshiiska taariikhiga ah” ee lala galayo Imaaraadka in “la gaadhsiiyo quruumaha kale ee raadinaya nabadda Israail”