“In maanta madaxweynaha loogu yeedho weeye Xil-ka-qaadis.” Gudoomiyaha Anshaxa Xisbiga Waddani Cali Axmed Cantar

0

Hargeysa-(Berberanews)-Gudoomiyaha Anshaxa Xisbiga Waddani Cali Axmed Cantar, ayaa ku dhaliilay xukuumadda Somaliland inay dabada ka riixayso Xeerka Horyaala Golaha Wakiillada ee wax-ka-bedelka Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka Dalka.

“Si siman ayaa loo soo dooranayaa xildhibaannada Dawladaha Hoose, waxaanad moodaa in imika madmadow la gelayo, looma baahna. waayo marka la leeyahay maayarka iyo maayar-ku-xigeenkaa xasaannad leh, dadka kale ma roodhi baa, dadka kale sida labadooda loo soo doortay uun baa loo soo dooranayaa, markaa waa arrin khaldan.” ayuu yidhi Cali oo u warramay Tv-ga Badda Cas.

Waxaa uu intaa ku daray “Mida kale, xeerkani waa xeer Gacan ku rimis ah oo ay xukuummadu keentay, oo ay doonayso inay dadka ku jaahwareeriso. shaadh leeg baanay tolanaysa iyo siday dadka u eryi lahayd.

Shuruucdu way wanaagsanayd in sidoodii loo daayo, hadii kale waxay noqonaysaa in sharci la jebiyo, imika sharci baa jabay, Guurtidu horay u kordhisay, mar haday hore u kordhisay waa sharci. sharcigaasi wuu jabay, In maanta madaxweynaha loogu yeedho weeye Xil-ka-qaadis, waayo isagaa jebiyay.”

Halkan ka dhegayso hadalka Cali Axmed Cantar.