Ingiriisku Wuxuu ku maalgashanaya Dekedda Berbera Malaayin Dollar

0

Dawladda ingiriisku waxay ka mid noqon doonta maalgashadahaasha dekedda Berbera iyo hanaanka Free zone ee dekedda.

Dalka ingiriisku wuxuu gashan doona dekedda Berbera lacag dhan boqolaal malyuun oo dollar, lacagtan oo shan jeer ka badan ta hadda DP world galisay dekedda Berbera, haayadda u qaabilsan dalka ingiriiska maalgashiga ee loo yaqaano UKFI oo iska leh bangiga ugu weyn dalka ingiriiska ee RBS, isla markaana hore u maalgashatay dalal ay ka mid yahiin Senegal, Kenya, USA, Hong-Kong Singapore iyo Malayska ayaa dawladda ingiriiska uga masuul noqon doonta dalka ingiriiska maalgashigani

Maxaa maalgalintan cusub u horseedi doonta Somaliland

Shariikadda DP. World ayaa doonaya inay dekedda Berbera ka dhigaan dekedda ugu weyn ee ku taalla Bariga iyo badhtamaha Afrika, waxaanay doonayaan in maalgashiga dekeddu uu balaadho.

Maalgashigani cusub wuxuu dekedda Berbera ka caawin doona dhinaca bangiyada maadama ingiriisku uu leeyahay bangiyada ugu wanagsan adduunka, Berbera waxay toos ugu xidhmi doonta nidaamka maaliyadda ee adduunka.

Waxay sidoo kale maalgashiga ingiriisku ka caawin doonta dekedda Berbera inay maraakiibta iyo sharikadaha imanaya dekeddu hellaan caymis maadama shariikadaha caymiska ingiriisku ay yahiin kuwa ugu fiican adduunka.

Wuxuu sidoo kale maalgashigani dawladda ingiriisku ka caawinaya Jamhuuriyadda Somaliland dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland noqon doonta cududa dhaqaale ee mandaqadda.

UKFI waxay noqon doonta haayaddii ugu weynayd ee abid maalgashi ku samaysa Somaliland, Raasamaalka UKFI ayaa ku fadhiya 1.6 Trillion oo dollar.

WQ Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba