Iran oo magdhow siin doonta dadkii ku dhintay diyaarad ciidankeedu soo riday

0

Tehran-(Berberanews)-Iran ayaa siin doonta $ 150,000 (£ 110,000) qoysaska qof kasta oo ka mid ah 176 qof oo dhintay markii Ilaaladooda Kacaanka ay soo rideen diyaarad rakaab bishii January ee la soo dhaafay.

Ukraine ayaa ku baaqday in laga wada xaajoodo magdhowga iyo in kuwii ka dambeeyay weerarka ay wajahaan cadaalad.

Diyaaradan oo laga leeyahay dalka Ukraine oo la yidhaahdo Boeing 737 ayaa labo gantaal lagu dhuftay waxyar kadib markii ay ka duushay magaalada Tehran.

Ka dib markii ay hore u beenisay mas’uuliyadda, Iran waxay qirtay inay soo riday diyaaradda UIA “si aan ula kac ahayn”.

Tehran waxay ugu yeedhay “qalad masiibo ah” oo ay geysteen ciidamadii ilaalada kacaanka.

Dhibanayaasha ayaa isugu jiray 82 Iiraaniyiin ah, 63 Canadiyaan ah, 11 reer Yukreeniyaan ah oo ay ku jiraan 9 shaqaale ah, afar reer Afghanistan ah, afar British ah iyo 3 Jarmal ah.

Difaaca cirka Iran ayaa xiligaas heegan buuxa ku jiray. Saacado ka hor, dalka wuxuu gantaallo balastik ah ku garaacay labo xarumood oo Mareykanku ku leeyahay ciraaq si looga aargoostay dilkii Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran Qasem Soleimani oo lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka geysteen Baghdad.