Isbahaysiga siyaasadeed wuxuu la kowsaday dimuqraadiyadda Somaliland

0

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa aan ka dhamaan tabashooyin iyo murugyo marwalba sababa in doorashooyinka dalku dib u dhacaan oo ay mudo dhaafaan kuwaasi oo ku salaysan saluug laga muujiyo sida goleyaasha xeer dejinta kuraasidu ugu qaybsan yihiin gobolada jamhuuriyada Somaliland oo ahayd xal laga keenay 1960 kii , iyo xukuumada oo dadka Somaliland ku eegaan il deegaamaysan oo la iska wada dhex arki waayo .

Haddaba hadii aynu ku noqono taariikhda sida uu ku xusay qoraaga Xasan Cabdi Madar buugiisa Duco-Qabe bogiisa 18naad waxa uu si wanaagsan u sharaxayaa halka uu ka soo bilaabmay hanaanka dimuqaradiga ah ee Somaliland iyo taariikhda isbahaysiga ama is xulafaysiyada oo ahaa doorashooyinkii 1960kii.

Doorashadaasi waxa galay  afar xisbi sida uu qoraagu buugiisa ku xusay oo kala ahaa SNL,USP,NUF iyo SYL oo mar dambe tartanka soo gashay waxaana loo tartamayey 33 kursi metalaad wakiilada ah oo loo qaybiyey 6 dii degmo ee jamhuuriyada Somaliland ee 1960 kii oo u kala helay sida tan:

Hargeysa 7 Kursi

Burco  6 Kursi

Borama 5 Kursi

Berbera 5 Kursi

Ceerigaabo 5 kursi

Laascaanood 5 kursi

Waxaana ay u kala heleen axsaabtii siyaasadu sidan;

SNL 20 kursi

USP 12 Kursi

NUF 1 Kursi

Waxaa talo wadaag yeeshay hogaamiyeyaashii SNL iyo USP oo samaystay isbahaysi kuna midoobay himiladoodii siyaasadeed ee mustaqbalka , waxaana dhacday in aqlabiyadii baarlamaanka ay yeeshaan SNL iyo USP oo is bahaystay waxaana uu qoraagu xusayaa in ay tahay sababta loo magacaabay 4 wasiir ee 1960kii in ay tahay isbahaysigan awgii.

1- Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal  wasiirka dawladaha hoose.

2- Axmed Xaaji Ducaale Wasiirka xoolaha , beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.

3- Cali Garaad Jaamac wasiirka isgaadhsiinta iyo Hawlaha Guud.

4- Xaaji Ibraahim Nuur Jaamac wasiirka adeega bulshada.

Halkani waa halka ay dad badani u soo qaataan saami qaybsiga xukuumada oo lagu doodo in Somaliland si siman xukuumada loo qaybsado , gaar ahaan beelaha darifyada Somaliland marka ay soo gudbinayaan qaabka ay rabaan in maamulka xukuumadu u qaybsanaado.

Haddaba sababta ay ku timi qaabkani waxa uu ahaa qaab siyaasadeed iyo xukuumad isbahaysi ee muu ahayn saami si sax ah dadka jamhuuriyada Somaliland sida ay wax u wada yeelanayaan loo soo qaadan karo, hase ahaatee hadii in uun la isku dayo waa loo soo qaadan karaa xal ku meelgaadh ah.

Sababta oo ah haddaba waxa dib loogu noqday curfigii beelaha Somaliland ku heshiiyeen 1993kii oo lagu soo xulay gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay ka soo horjeedaa nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalku qaatay oo hadii laba walaalo ah umadu u aragto midina in uu madaxwayne noqdo midina gudoomiyaha golaha wakiilada aanay jirin wax diidayaa , laakiin ay sababtay in si aan dalku u kala hadhin oo maamulkii dawladnimada la isaga wada dhex arko.

Jamhuuriyada Somaliland kama dhamaado saluuga maamulka dawladnimo iyo tabashooyinka beelaha wada degan dalku kala qabaan , isaga oo dalku nidaamka casriga ah ee dimuqaradiyadeed qaatay ee sida tooska ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan cida ay u arkaan in ay dan u tahay.

Waxaana uu marayaa in heer wanaagsan uu gaadhay doorashadii ugu dambaysay gaar ahaan Gobolka Maroodijeex ay kaga soo baxeen laba muwaadin oo u ololeeyey si ka duwan sidii doorashada deegaamaysan ama beelaysan , inkasta oo dadka kale ee soo baxayba aan la odhan karin hab qabiil , haddana labadani waxa ay kaga duwaanayeen cadadka codka ay ku soo baxeen .

Cabdikareem Ahmed Mooge oo u sharaxnaa golaha deegaanka ee Hargeisa hadana noqday mayorku uu helay 26,000 kun oo cod, halka xildhibaan Barkhad Batuun oo golaha wakiilada u sharaxnaa uu helay 21,000 oo cod waa horumar wayn iyo aragti loo baahnaa in hore loogu guuro oo hadda hirgashay waxaana ay tusaale wanaagsan u tahay in hore loo socon karo.

SOO JEEDIN;

Waxa aan soo jeedinayaa;

1- In la horumariyo hanaanka dimuqaradiyada iyo axsaabta badan oo dadkeena loo bisleeyo sidii ay hore ugaga socon lahaayeen halka aynu maanta taaganahay oo aan mar dambe dib loo noqon.

2- in aan wax sharci ka yaalo oo dastuur iyo xeerar ku qoran aan Guurti iyo Maxkamadi afduubin oo aan xal lagu dhamaynin ee sharcigu shaqeeyo iyo waxii umadani dhigatay.

3- Khilaafka saami qaybsiga waxaa lagu xalin karaa :

B) aragti siyaasadeed iyo habab isbahaysi oo xukuumada iyo xisbiyadaa jiraa u soo dhisan karaan maamulka xukuumada.

T) Goleyaasha xeer dajinta dalkana waa in tirakoob dadwayne oo la sameeyo dadka iyo gobolada jamhuuriyada Somaliland wax loogu qaybiyo lagana guuro xalkani laga soo min guuriyey 33 kursi ee 1960 kii.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil