Isbarbardhigga awoodda ciidan ee Turkiga iyo Faransiiska

0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga cadhootay sawir gacmeed uu wargeyska caanka noqday ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisad u dhaxeysa labada waddan.

Sawir gacmeedka ayaa muujinaya madaxweyne Erdogan oo kor u qaadaya dharka haweeney xijaaban.

Ankara ayaa wacad ku martay in sawirkaas awgiis ay tallaabooyin isugu jira dhinaca sharciga iyo diblomaasiyadda ka qaadi doonto Faransiiska.

Bilihii lasoo dhaafayba Turkiga iyo Faransiiska waxay isku maandhaafsanaayeen arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadaha caalamka iyo dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan.

Maalmihi ugu dambeeyayse waxay xaaladda sii xumaatay markii uu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, jeediyay hadallo ka cadheysiiyay dad badan oo muslimiin ah.

Awoodda Milatari ee Turkiga iyo Faransiiska

Marka si guud loo eego, liiska waddamada milatari ahaan ugu awoodda badan caalamka ee sanadkan 2020-ka – oo ka kooban 138 dal – wuxuu Faransiiska uga jiraa kaalinta 7-aad, halka Turkigu uu uga jiro kaalinta 11-aad.

Afarta kaalmood ee ugu horreeya isma baddalin sannadihii lasoo dhaafay, waxaana ku kala jira dalalka kala ah:

  • 1- Mareykanka
  • 2- Ruushka
  • 3- Shiinaha
  • 4 Hindiya

Shacab ahaan labada waddan Faransiiska iyo Turkiga waxay tiradoodu kala tahay:

Faransiiska: 67, 013, 000

Turkiga: 79, 814, 871

Miisaaniyadda dhaqaale ee lagu bixiyo dhinaca milatariga:

Faransiiska: $ 55,7 bilyan

Turkiga:$ 18,2 bilyan

Hase yeeshee Turkiga ayaa tirada ciidamada milatariga ee shaqeeya iyo kuwa keydka ahba aad uga badan Faransiiska.

Tirada milatariga diyaarka ah:

Faransiiska: 203, 000 oo askari

Turkiga: 685, 862 oo askari

Milatariga keydka ah:

Faransiiska: 68, 000 oo askari

Turkiga: 407, 122 oo askari

Sidoo kale, tirada dadka ay suurtagalka tahay inay ku biiraan milatariga Turkiga – oo ah 21, 079, 077 – ayaa aad uga badan tan faransiiska oo ah 14, 563 662.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in Faransiiska uu ka mid yahay shanta waddan ee codka diidmada qayaxan ku leh Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, sidoo kalena uu ka mid yahay dalalka faro ku tiriska ah ee ku hubeysan nuclear-ka.

Awooddaas oo ah mid aad u xaddidan wali Turkiga uma suurtagalin.

Dowladda Turkiga ayaa sannadihii dambe sare u qaadday awooddeeda dhinaca milatariga, iyadoo sameysatay qalab aysan horay u heysanin.

Waxaa Turkiga u suuragashay inuu si lama filaan ah ku helo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka ugu diiday inuu ka iibiyo.

Ankara ayaa diyaaradahan sameysatay kaddib markii ay si aan loo maleyneynin uga faa’iideysatay tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas.

Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian.

Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”.

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. Howlgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux.

Kaalinta Turkiga iyo Faransiiska ee NATO

Isbahaysiga milatari ee NATO waxaa ku jira 30 waddan oo madax bannaan, dalalkaasna waxaa ka mid ah Turkiga iyo Faransiiska oo hadda ay xiisad ba’an ka dhaxeyso.

Waxay ka kooban yihiin: Albania, Belgium, Bulgaria, Canada, Croatia, Czech Republic, Denmark, Estonia, Faransiiska, Jarmalka, Giriiga, Hungary, Iceland, Talyaaniga,Latvia, Lithuania, Luxembourg, Montenegro, Netherlands, Waqooyiga Macedonia, Norway, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka.

Dhammaan waddamada xubnaha ka ah Nato waxay ku leeyihiin saameyn awoodeed iyo kaalin u gaar ah.

Haddaba maxay kala yihiin awoodaha Turkiga iyo Faransiiska ay ku leeyihiin gaashaanbuurta Nato? Muxuuse yahay doorkoodu?

Waddanka Faransiiska wuxuu Isbahaysiga Nato ku biiray sanadkii la aasaasay oo ahaa 1949-kii, markaasoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ay heshiis saxiixdeen.

Turkiga oo ka dambeeyay dhowr sano wuxuu gaashaanbuurtaas – oo u badan dalalka reer Yurub – xubin ka noqday sanadkii 1952-kii.

Doorka ay uga jiraan Dhaqaale bixinta NATO

Dal walba oo xubin ka ah isbahaysiga wuxuu dhaqaalaha usoo xarooda wax ka mid ah u qoondeeyaa horumarinta difaaca iyo howlgallada Nato.

Waxay waddamada ku jira gaashaan uurtan oo dhan ballan qaadeen inay bixin doonaan 2% ka mid ah dakhliga guud ee usoo xarooda.

Mareykanka iyo Jarmalka ayaa dhaqaalaha ugu badan ku taageera cududda milatari ee isbahaysiga Nato.

Tusaale ahaan, miisaaniyaddii milatari ee ku baxday sanadkii 2019-kii, oo ahayd £1.43; $1.84 bilyan, waxaa 22% ka mid ah bixiyay Mareykanka kaligiis, halka Jarmalka uu bixiyay 14.76%.

Hase yeeshee waxaa kusoo xiga Faransiiska iyo Ingiriiska oo midkiiba uu bixiyay wax xoogaa ka yar 10% ka mid ah dhaqaalahaas.

Turkiga markii dhankaas loo eego wuxuu bixinta inta soo hartay la qeybsadaa dhammaan waddamada kale ee ku jira isbahaysiga, dhaqaalaha uu bixiyana ma aha mid saameyn ballaaran leh.

Balse dhinaca milatariga, Turkiga waa waddanka labaad ee ugu ciidanka badan Isbahaysiga Nato, marka laga soo tago Mareykanka.Xigasho Bbc Somali