Isbedelka Dabaysha Geeska Afrika.!! WQ Jamal Gobonimo

0

Geeska Afrika, waxaa ka Socda dabaylo barwaaqo iyo diihaal wada sida, Juqraafi ahaan “Geeska” waxaa laysku yidhaahda waddamada Eriteriya, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya,Somaliland, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Kenya iyo Ugandha ay aad isugu dhow yihiin

Gobolka “Geesku” wuxuu leeyahay dhaqan iyo taariikh isla soo jireen ah, inkasta oo sidoo kale ay jiraan kala duwanaan u gaar ah dal walba

Dedaalada is-dhexgalka dhaqaalaha (economic integration) ee Addis Ababa iyo Jabuuti ay horseedka u yihiin ayaa si fiican gobolka uga hana qaaday

Walow, khilaafadka iyo xasilooni darada amnigu ay xadidayaan la macaamilka gobolka, haddana dunidu iskama indha tiri karto, muhiimadda juquraafi siyaasadeed ee mandaqadu u leedahay marinka ganacsiga caalamka.

Ma aha wax la yaab leh, in iska soo horjeedka Gacanka Carbeed uu saamayn ku yeeshay gobolka. Geeska wuxuu la wadaagaa Jasiirada Carabta taariikh iyo xidhiidh dhaqan-dhaqaale oo soo jireen ah

dadka siyaasada ka faallooda waxay ay sheegeen in Somaliland uu saamayn siyaasadeed ku yeelan doono dabaysha iyo isbedelka siyaasadeed ee mandaqada ka socda, iyo loolanka juquraafi siyaasadeed ee ka jira gobolka Geeska Afrika