Isbedellada Geeska iyo doorka Somalida

0

Waxa ka socda gobolka geeska Africa iyo bariga dhexe , jasiirada carabtaba isbadelo siyaasadeed , dhaqaale , nololeed , hogaamineed oo saameyntooda ku leh dalkasta iyo qofwalba oo gobolkani ku nool , taasi oo u baahan in laga fekero mustaqbalka sidee uu noqon doonaa , dadka soomaalida ah ee ku nool gobolka geeska Africa iyo bariga Africa kaalin noocee ah ayey ku yeelan doonaan isbadeladan , isbadeladu se kaalin noocee ah ayey ku yeelan doonaan soomaalida ?

Marka laga yimaado goboladani somalidu waxa ay ku nooshahay marinada badeed ee ugu muhiimsan aduunka oo ah ka badacas iyo ka badweynta hindiya oo aduunka guud ahaan u muhiim ah , soomaalidana maadaama oo ay is haysato inta badan cidi waxba kama waydiiso talada labadan marin ( two main sea corridors ) taasi oo ah nusqaan ay sababtay colaadaha iyo muruga gudaha ka jiraa.

Isbadelada socda hadii aynu ka eegno xaga niyad samida waxa aad moodaa in gobolka geeska Africa iyo bariga dhexeba ay ka bilaabeen siyaasado isku soo dhawaansho iyo abuurid xidhiidho cusub oo dawladaha dhex mara , kaasi oo sababi kara in nabadgalyada goboladani ay noqoto mid ka soo wanaagsanaata sidii hore isla markaana yareysa colaadaha siyaasadeed , kuwa jinsiga iyo diimaha ah ee inta badan ka jiray goboladan taasi oo loo qaadan karo talaabo xaga wanaagsan iyo horumarka loo qaaday.

Dhinaca kale hadii aynu ka eegno waxa ay u muuqataa in qaab cusub oo hogaamineed ay soo baxayso taasi oo sababi karta halkii colaadaha iyo xoog isku muquuninta lagu badelay in lawada hadlo oo wax lawada qabsado iyada oo dalwalba siyaasadiisa daneed ee hoose u laaban tahay ama u dahsoon tahay , taasi oo aan la saadaalin karin nooca ay ku dambayn doonaan isbadelada hada muuqdaa .

Waxa dhici kara iyaguna marka hoos loogu daadego dalwalba gudihiisa iyo xaaladaha taagan in murug badan dhasho oo sababi kara colaado iyo dagaalo hor leh , kuwaasi oo aan dadka goboladani ku nooli qaadi karin marka aad eegto taariikhda adag ee ay soo mareen,  haddana xaaladaha taagani maaha qaar la dafiri karo ee waxa haboon in xalintooda loo guntado.

Sidaasi oo kale waxa isweydiin leh waxyaabaha socda dadka soomaalidu sidee ay uga qayb qaadan karaan , intee ay ku baraarugsan yihiin siyaasadaha ka socda gobolka iyo gobolada ku dhow dhow ee xawliga ku socda , maxaase ay saameyn ku yeelan karaan dadka soomaaliyeed ee ku nool mandaqada bariga Africa oo uu ku dhacay burbur qaybsanaan iyo iyaga oo aan ka muuqan kaalin firfircoona kaga jirin xaaladaha ka jira gobolka geeska Africa.

Soddonkii sanadood ee ugu dambeeyey dadka somalidu meelkasta oo ay ku nool yihiin marka laga reebo dalka Djibouti waxa ay ku noolaayeen nolol dib u dhis , halgan siyaasadeed , halgan dawladnimo iyo halgan ay wax kula qaybsadaan somalida Ethiopia iyo somalida Kenya dalalka ay ka tirsan yihiin oo aanay kaalmo muuqda oo siyaasadeed iyo hogaamineed ba ku lahayn .

Somaliland iyo Somalia oo iyaguna ilaa maanta ay jirto in aanay soddon sanadood waxba ku heshiin kala tagid in ay laba dal noqdaan iyo isku darsi in midnimadii hore ee 1 July ay soo noqoto , waliba waa ay adag tahay taa dambe oo halka la kala taagan yahay marka aad eegto ma muuqato mustaqbalka dhow  , caqlina maaha in soddon sanadood aan dhulka laga soo kicin waa arin u taalla qofkasta oo soomaaliyeed in uu wax iska weydiiyo  qadiyadani .

Danta dadka soomaaliyeed ee gobolkani waxa ay ku xidhan tahay iyada oo la helo gobolka geeska Africa oo noqda mid degen , hela hogaamin aragti dheer oo iskuwadi karta nabad kuwada noolaanshaha dadka gobolka geeska Africa iyo wax wada lahaanshahooga si siman , taasi oo noqon doonta rajo cusub iyo waa u baryey Africa guud ahaan , gaar ahaan bariga Africa.

Muhiimada qoraalka aan ka leeyahay waxa weeye in hogaanka siyaasada ee soomaalida iyo kuwa qoomiyadaha kale ee bariga Africa ku nooli ay kor u qaadan hab fekerkooda wadciga jirana ku baraarugsanaadaan iyada oo laga fekerayo nabadgalyada , horumarka iyo waxwada qabsiga dalalka iyo qoomiyadahaba ee mustaqbalka dambe ee umadahani yeelan doonaan.

Umad walba dadka nool ayuun baa xiligaa ay nool yihiin taariikhda sameeya , oo wax ay dadkooga dambe ku noolaadaan uga taga , taasi oo u baahan in marka aad ka fekerayso arimahani wax badan aad ka tanaasusho oo meel dheer la hiigsado , waa sida kaliya ee taariikh lagu sameyn karo wax tarta umadaha kuwada nool guud ahaan gobolkani.

waxa iyaduna isweydiin leh intee in leeg ayey dadka goboladani ku nooli guud ahaan ay ku baraarugsan yihiin siyaasadaha dunida iyo hirdanada dunida ee ku haya farogalinta tooska iyo ta dadbanba isaga oo dal waliba danihiisa ka dhex raadinayo xaaladaha siyaasadeed , dhaqaale nololeed ee gobolkani ka jira .

Taasi oo iyaduna ah mid u baahan in aad fiiro gaar ah loogu yeesho , intii meel kuwada nooliba iyaga ayey dano ka dhexeeyaan farobadani , colaad kasta iyo dhib kasta oo dhacda waxa ay sii hurinaysaa in uu xumaado mustaqbalka umadaha meeshaa kuwada nool iyo rajada jiilashooda dambe , waxa aan uga socdaa inta ugu badan cid meel kale ka timaadaa xal kama keeni karto hadii xataa arimaha nabadgalyada , nolosha iyo wax wada lahaanshaha dadkaasi ay daacad ka yihiin .

Mohamed Abid Jama

Mohamed Dhimbiil