Itoobia oo heshiis 8.5 Bilyan ah ka gashay Vodafone

0

Itoobiya(Berberanews)-Abiy Ahmed ayaa qalinka ku duugay heshiis maalgashi oo Itoobiya la gashay shirkadda isgaadhsiinta ee Vodafone Group kaasi oo gaadhaya 8.5$ Bilyan.

Shirkadda isgaadhsiinta ee Vodafone ayaa si rasmi ah ugu guulaystay shatiga ogolaanshaha ee ay Itoobiya kaga hawl-geli doonto.

Vodafone Group oo ah shirkado midoobay oo ay saamiga ugu badan ku leeyihiin shirkadda diyaaradaha dalka Britain iyo shirkadda isgaadhiinta Kenya ee Safaricom ayaa Itoobiya ku maalgashan doona 8.5$ Bilyan, 10-ka sano ee soo socda.

Shirkadda ayaa ogolaanshaha liisanka (Shaatiga) oo kaliya ku bixisay 850$ Milyan.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in ay qaateen go’aan taariikhi ah, waxa uu sheegay in ay tahay maalgashigii ugu ballaadhnaa ee Itoobiya laga sameeyo tan iyo intii ay jirtay.

Vodafone waxay shaqo abuur u samayn doontaa 1.1 Milyan ruux oo Itoobiyaan ah 10-ka sano ee soo socda, waxayna guud ahaan dalka gaadhsiin doontaa 4G internet marka la gaadho 2023, sida ku cad heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo shirkaddu.