Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo qarka u saaran inuu dagaal ka dhex qarxo

0

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, oo aan illaa iyo hadda heshiis ka gaarin khilaafka biyo xireenka ayaa weli madaxa is kula jira, gaar ahaanna muddooyinkaan dambe.

Intaas waxaa sii dheer, ciidanka Suudaan waxay la wareegeen gacan ku haynta aagagga xudduudka barwaaqada ah ee dhulka beeraleyda Itoobiya oo ay sheegtay inay qayb ka yihiin dhulkeeda.

Suudaan iyo Masar waxay dhawaan gaareen heshiis tababar ciidan iyo iskaashi dhaqaale.

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, wuxuu Talaadadii ka hadlay arrimaha biyo xieenka, wuxuuna yiri: “Itoobiya ujeedkeedu ma ahan in ay wax yeeleyso Masar ama Suudaan.”

“Si kastaba ha noqotee, ma dooneyno in aan ku noolaano mugdi. Iftiinkeena ayaga ayaa ka faa’iideysan doono, oo ma ahan mid wax yeelo u geysanaya,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhismaha biyo xireenka uu sii socon doono, sidoo kalena uusan waxyeello u geysan doonin labada dal.

Muxuu 3-da dal khilaaf ugu dhaxeeyaa? Ma biyo xireenka keliya baa mise wax kale ayaa jira?

Sudaan iyo xilligii Cumar Al-Bashiir

Cilmi-baare arrimaha Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay London, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saciid Abu Haashim, ayaa sheegay in Sababaha rabshadaha keenay ay ka mid yihiin in la badalo mowqifka Suudaan.

“Suudaan iyo Itoobiya waxay isku mowqif ka ahaayeen webiga Niil. Isbedelka ku yimid mowqifka Suudaan waa mid aad uga duwan kii hore oo lama filaan ah,” ayuu yiri.

Waxay tusaale u soo qaateen midnimo la’aanta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan.

Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin ‘uma maleynayno in muranka xadka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan uu yahay mid sidaa u kala qeybsan’.

Sida uu sheegayo Cabduraxman, Ciidanka Suudaan waxay doonayeen in arrinta xuduuda loo adeegsado arrimaha gudaha, laakiin gudiga xadka labada dal ayaa si nabad ah ku xalin lahaa.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Suudaan ay mowqifkeeda u badashay xaaladda haatan ka jirta wadanka awgeed.

Adam Kassie, oo ah falanqeeye siyaasadeed ee Bariga Afrika oo ku nool Netherland, wuxuu ku raacsan yahay Cabduraxman.

“Suudaan waxay isku mawqif ahaayeen Itoobiya, gaar ahaan xilligii dowladdii Al-Bashiir. Hadda waxaa dalka ka jirto dowlad rayid ah. Labada hoggaamiyena isku mowqif ma ahan,” ayuu yiri Aadam.

Sida uu sheegayo falanqeeyaha, hoggaanka rayidka ah, ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Hamdock, wuxuu raadinayay mowqif la mid ah kan Itoobiya.

Sikastaba, wuxuu sheegay “in ciidanka Suudaan ay xoojinayaan awoodooda, ka dib xiisadii ka jirtay gobolka Tigray.”

“Waxaan u maleynayaa in bulshada rayidka ah ay u maleyneyso in ay hadda si fiican uga soo bixi karaan wadahadalada,” ayuu yiri.

Labada falanqeeye ayaa qiyaasaya in muranka xadka Itoobiya iyo Suudaan uu horseedi karo wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ku saabsan biyo xireenka.

Ka dib isbadalkii Suudaan ka dhacay, waxay heshiisyo kala duwan la gashay Marsar, sidaa darteed marka la eego Suudaan iyo Masar yaa faa’iido badan ku qabo heshiiskaas?

Dr. Adam wuxuu sheegayaa in xaaladda hadda aysan ahayn oo kaliya biyo xireen laakiin sidoo kale waxay ka jirtaa xadka. Sidaas darteed, Suudaan waxay hadda rumaysan tahay in aysan doonayn in ay arrinta u kala saarto biyo xidheen iyo xudduuda.

Dagaal dhab ah ma dhici doonaa?

Dr. Adam wuxuu sheegay in ay ka walwalsan yihiin in dagaal uu ka qarxo adeegsiga biyaha webiga Nile.

Xitaa haddii uusan jirin rabitaan ah in dagaal la galo, waxaa jiri karo xisaab-xumo, waxaad isweydiineysaa waxa qolada kale sameyn karto, haddii aanan la hayn macluumaad dhameystiran.

Waxaa la qaadi karaa tallaabo qaldan, marka sidaa darteed waxyaabaha aan ka cabsi qabo ayaa ah in tallaabooyinkaas khaldan ay xaaladda faraha ka sii bixiso.

Adam wuxuu intaas ku daray in labada dal [Itoobiya iyo Suudaan] aysan haatan dagaal doonayaan, sababtoo ah waxaa jiro dhibaatooyin gudaha dalalkooda ka dhex taagan.

“Waxaan u maleynayaa in qaladaad la sameyn karo xitaa haddii aysan dan ka laheyn dagaal,” ayuu yiri.

Cabduraxman ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in dagaal toos ah bilaaban karin.

“Haddii aad is tiraahdo qiyaas, waxaa laga yaabaa in aan dhahdo in boqolkiiba 50 ama ka yar. Uma maleynayo in ay jirto rabitaan ah in dagaal la galo xilligan, laakiin in hal wadan cadaadis la saaro waa suuragal.”

Dagaal noocee ah ayuu noqon karaa?

Wuxuu sheegay in haddii Suudaan iyo Itoobiya uu dagaal culus ku dhexmaro xadka, in Masar waxay si toos ah u taageeri karto Suudaan.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu intaas ku daray, “Ma aaminsani in Suudaan ay awood u leedahay dagaal, xitaa marka ay xasilloon tahay, ama sida ay hadda tahay.”

“Marka Suudaan wax faa’iido ah kamaheleyso dagaalka. Laakiin haddii dagaalka uu dhici waayo, Suudaan iyo Masar wey wada joogi doonaan. Dowlada Ereteriya waxay hadda xiriir la leedahay dowlada Itoobiya. Heshiiska labada dal wuxuu gaari doonaa heer illaa iskaashi dhanka amaanka ah.”

Aadam, dhankiisa; Wuxuu sheegayaa in ay adag tahay in la qiyaaso waxa dhici doona “dagaalka ka dib”.

“Haddii Masaarida ay rumeysan yihiin in dagaalka uu lagama maarmaan yahay, dalkooda ayay gantaallada ka soo ridi karaan. Waxay sidoo kale Suudaan ka caawin karaan xoog iyo hub markii loo baahdo. Haddii ay aaminaan in ay lagama maarmaan tahay, waxay garaaci karaan biyo xireenka.”

Laakiin Adam wuxuu rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay la safan karto Itoobiya.

“Maaddaama ujeeddada ugu weyn ee dawladda Ereteriya ay tahay in la burburiyo kooxda TPLF, dawladda Itoobiya ma rabto in dareenkeedu u ekaado Suudaan ama dal kale. Ereteriya waxay dooneysaa in ay nabad la gasho Suudaan sida ugu macquulsan.”

@bbc Somali