Itoobiya oo 3000 kun oo askari ka daadguraynaysa Somalia

0

Somalia-(Berberanews)-Itoobiya ayaa dib u celisay kumanaan askari oo ka caawinayay dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Islaamiyiinta, sida laga soo xigtay seddex qof oo arintan wax ka og, taasoo sare u qaadaysa walaac ku saabsan xaalad nabadgelyo oo ka jirta dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Somalia.

Ka bixitaankooda Soomaaliya wuxuu ku soo beegmay iyadoo askarta federaalka ay weli la dagaallamayaan xoogag daacada u ah xisbiga talada haya ee woqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray.

Itoobiya ayaa dib u daadguraynaysa ilaa 3,000 oo askari si ay uga caawiyaan weerarka Tigreega, sidaa waxa shabakadfa Bloomberg u sheegay codsaday inaa la magacaabin, maxaa yeelay looma ogola inay la hadlaan warbaahinta.

Ciidamada la saarayaa waa askarta Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya oo ma hoos yimaadaan taliska 5,000 ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, ayay yidhaahdeen.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu u sheegay la taliyayaashiisa sare inuu sidoo kale ka fiirsanayo inuu ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya.

Berberanews.com, info@berberanews.com