Itoobiya oo diiday baaqyada caalamka ee baadhitaanka dagaallada Tigree

0

ADDIS ABABA — Dowladda Ethiopia ayaa diidey baaqyada loo jeedinayo ee ah in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo dagaalka lagu hoobtay ee gobolka Tigray.

Go’aaankan ayaa imanaya iyadoo ay socdaan baaqyo caalami ah oo ku saabsan in si hufan loo baadho dagaalka bisha socday ee u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda gobolka Tigray, kaasi oo loo maleynayo in ay ku dhinteen kumanaan qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ugu yaraan hal xasuuq oo baaxad leh ayaa la diiwaangeliyey, kuwa kalena waa laga cabsi qabaa in ay jiraan.

Redwan Hussein oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowlada ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay dadka kale ku casuumi doonto in ay caawimaad kaliya u fidiyaan waa haddii buu yidhi ay dareento “in ay ku fashilantay baadhitaanka”.

“In loo qaato in dowladdu aanay fulin karin baadhitaannada ceynkan ah waxa ay tahay hoos- u dhigidda xukuumadda,” ayuu yidhi.

Walaaca ayaa sii kordhayaa xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi uu inta badan ka go’an yahay dunida, iyadoo dadka 6-da milyan gaadhaya ee gobolkaasi ay si aad ah ugu baahan yihiin cunto iyo daawooyin.

Dowladda Ethiopia ayaa diiday waxa ay ugu yeedhay “faragelin” shisheeye, laga billaabo dadaalladii la xidhiidhay wadaxaajoodka ilaa in deegaanka la gaadhsiiyo gargaar, iyadoo ka duuleysa taariikhdeeda oo ah dal Afrikaan ah oo aan waligii la gumeysan, taasi oo siineysa sharaf qaran oo qoto dheer leh.

Sources, Voa