Itoobiya oo doorasho u dareertay xilli xaalad cakirani ka taagantahay

0

Dalka Itoobiya ayaa loo dareeray goobaha codbixinta, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo dagaalka dhiigga ku daatay ee waqooyiga gobolka Tigray.

Doorashadan oo dib u dhac ku timid markii hore ayaa ah midii ugu horeysay ee dhacda tan iyo markii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed xukunka qabtay 2018-kii.

Balse codbixinta ayaa dib loo dhigay gobolka Tigray, halkaas oo ay ku dagaalamayeen ciidanka dowladda iyo jabhadda TPLF tan iyo bishii Nofembar.

Amni darrada iyo dhibaatooyinka ayaa ku dhuftay qeybaha kale ee dalka , marka guud ahaan ma jiri doonto wax codeyn ah ilaa shan meelood.

Colaada Tigray ayaa dhalisay dhibaato bini’aadanimo, iyadoo 350,000 oo qof ay ku noolyihiin xaalado macluul, sida lagu sheegay qiimeyn dhawaan la sameeyay.

Tirada guud ee 547 goobood ee deegaan doorashada ee baarlamaanka, ayaa Isniinta maanta ah waxaan laga codeynin 102 goobood, iyadoo loo aaneeyey amni darro iyo wax is daba marin.

Deegaanka Tigreega 38 deegaan doorasho ayaaney ka dhaceyn doorasho, maadaama halkaasi haatan ay ka socdaan dagaallo.

Sidoo kale, deegaanada Soomaalida iyo Hararida ayaaney doorasho ka dhaceyn, iyadoo la qorsheeyey iney halkaasi doorasho ka qabsoonto bisha September ee inagu soo fool leh.

Doorashadan waa tii uggu horeysay tan iyo intii uu xukunka qabtey ra’iisal wasaare Abiy Axmd sanadkii 2018-kii.

Doorashada guud, tii ugu horreysay tan iyo 2015-kii, waxaa markii hore loo qorsheeyay Ogosto 2020 laakiin dib ayaa loo dhigay coronavirus awgiis.

Jadwalka hore ee doorashada, natiijooyinka hordhaca ah ee ka imanaya degaannada waa in lagu dhawaaqo shan maalmood gudahood , halka natiijooyinka ugu dambeeya ee la coddeeyey lagu dhawaaqo 23 maalmood gudahood.

Maxay muhiim u yihiin doorashooyinkaan?

Mr Abiy wuxuu xukunka qabtay 2018-kii asaga oo magacaabay isbahaysigii markaas talada hayay laakiin waligiis ma uusan wajihin doorasho.

Doorashadii ugu dambeysay, xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF iyo xulafadiisa ayaa ku guuleystay dhamaan kuraasta, balse Mr Abiy ayaa kala diray isbahaysiga wuxuuna abuuray xisbi cusub Xisbiga Barwaaqada isagoo isku dayaya inuu yareeyo kala qeybsanaanta qowmiyadaha. Hase yeeshee, kooxda TPLF kuma aysan biirin.

Mr Abiy ayaa sii hayn doona xilkiisa hadii xisbigu ku guuleysto aqlabiyada 547 kursi ee golaha qaran. Wuxuu yiri doorashooyinka ayaa noqon doona “isku daygii ugu horreeyay ee qaran ee doorasho xor iyo xalaal ah”.

Xamaasaddiisa isbedel-doonka ayaa u horseeday inuu ku guuleysta Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka 2019, balse sannad uun ka dib, wuxuu hawlgal milatari ka bilaabay dalkiisa. Wuxuu ciidamo geeyay Tigray si ay meesha uga saaraan kooxda TPLF oo ah xisbiga xukuma gobolka ka dib markay qabsadeen saldhigyo militari taas oo uu Mr Abiy u arkaayay isku day lagu ridayo.

Waxay dhalisay isku dhac ay ku dhinteen kumanaan qof waxayna u horseedday gaajo baahsan iyo warbixinno ku saabsan macluul ka dhacday gobolka.

@Bbc Somali