Itoobiya oo oodda ka qaaddaysa maxaabiis siyaasadeed

0

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in xasbiga laga sii  wada daynayo dhammaan dadka u xidhxidhan sababaha siyaasadeed, islamarkaasna la xidhayo xasbiga weyn ee Maekelawi.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka xukun sugayaasha ah iyaguna la cafiyay.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadanaha, iyada oo la xirxiro dadka mucaaradka ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda qirato in ay xabsiyada ku heyso dad u xirxiran sababo siyaasadeed.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xidhxidhan, balse waxaa la ogyahay in kumanaan la xirxiray sanadkii 2015-kii.

Maalmo ka hora yay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xidhiidha argagixisonimo.

Ma cadda waxa uu ka dhashay go’aankan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF.

Xigasho Bbc Somali