Itoobiya oo sheegatay dilka 550 dagaalyahan iyo 17 sarkaal oo la xidhay

0

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah.

Salaasadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray.

Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya.

Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xidhay 17 sarkaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa dhanka kale ku gacan saydhay baaqii ahaa in wadaxaajood la furo.

Redwan Hussien, oo ah afhayeenka dowladda Dhexe ayaa sheegay in wadahadalo la furo ay suuragal noqonayso oo kali ah “marka la burburiyo hubka culus ee gacanta ugu jira xoogagga daacadda u ah TPLF.

Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay doonayaan inay soo badbaadiyaan shaqsiyaad gacanta ugu jira xoogagga Tigreeda, islamarkana gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka.

Waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aadan in dagaalka la joojiyo islamarkana wadaxaajood lagu soo afjarayo dhibaatada la bilaabo.

Dhanka kale saraakiisha dalka Sudan ayaa sheegaya in ugu yaraan 6000 oo ah qaxooti ka soo qaxay dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya ay soo gaareen xudduuda Sudan.

Xukuumadda Sudan ayaa isu diyaarinaysa qaabilaada boqolaal kun oo kale oo qaxootiga Itoobiya ah.

Xero qaxooti oo loogu talagalay dadkani ayaa la dhisay, islamarkana waxay hay’adaha gargaarka ka digayaan dhibato bina’aadanimo oo soo fool leh.

Xigasho Bbc