“Iyadoo hawlaheedii wadata ayaa loo yimi maydkeedii” Xildhibaan Raygal

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Ibraahin Axmed Raygal oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa xukuummadda ugu baaqay inay soo qabato ciddii ka danbaysay fal dil iyo kufsi isugu jira oo ka dhacay Gobolka Saraar.

Dhacdadan waxay la xidhiidha Dil iyo kufsi loo geystay gabadh Hodan la yidhaahdo, kaasoo ka dhacay Deegaanka Gobolka Saraar.”Arrin aad u foolxun; Islaamnimada ku xun, bini’aadannimada ku xun.” Ayu yidhi xildhibanaku.

“Waxaan ka codsanayaa maamulka Xumuumadda Somaliland, maxkamadaha, booliska dhammaan in sharciga dalka u yaala la mariyo dembiilayaasha arrintaasu ku caddaato.” Ayuu yidhi.

Xildhibaanku wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo ehladii ay ka soo jeeday Marxuumadu, isagoo ilaahay uga baryay naxariis.