Jaaliyada Ethiopia ee Louisville oo mudaharaad sameeyay

0

USA-(Berberanews)-Jaaliyada Ethiopia ee Louisville oo ay weheliyaan eheladooda ayaa lagu mudaaharaad ka dhan ah dagaalka dowlada Itoobiya ku qaaday Tigree ka sameeyay badhtamaha magaalada Salaadadii.

Iyagoo ku baaqaya in Maraykanku ka caawiyo joojinta dagaalka taas oo keeneysa masiibo bini’aadanimo oo sii kordheysa iyo cabsi laga qabo dagaal ballaadhan.

Deacon Abiy Addis oo ka tirsan kaniisadda Orthodox ee Itoobiya ee Louisville ayaa ku dhawaaqayay “USA, toos!” wuxuuna sheegay in dad badan ay la jiran yihiin iyagoo ka walwalsan qaraabadooda inta lagu guda jiro dagaalka.

“Waxay isku dayayaan inay baabi’iyaan dadkeenna,” ayuu yidhi Alem Nusque oo ka mid ah dadka deegaanka. Waxay jareen taleefanada, internetka. Ma doonayaan in warku ka soo baxo Tigray-ga imika. Laakiin adduunku wuxuu u baahan yahay inuu ogaado.