Jaamacadda Carabta oo markii ugu horreysay Koox Kormeerayaal ah u dirtay dalka Qalalaasuhu ka socdo ee Syria

0

Dimishq-(Berberanews)- Kooxdii ugu horraysay ee kormeerayaal ah ee ka socota Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa la filayaa inay maanta gaadho dalka qalalaasaha ka dhashay kacdoon dadweyne ka socdo ee Syria si ay u bilaabaan howshooda kormeerka dedaallada lagu soo afjarayo rabshadaha waddankaas ka socda tan iyo bilawgii sannadkan aynu ku jirno.

Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in ay ku dhinteen rabshadaha dalka Syria illaa shan kun oo qof tan iyo bishii March ee kacdoonka shacabku ka bilaabmay dalkaas, halka ay Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dhaq-dhaqaaqaa ku doodayaan in tirada dadka halkaa ku dhintay intaa aad uga badan yihiin, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa ay tiradoodu kor u sii kacayso. Sidoo kalena ay dawladda Syria si weyn ugu tumatay Xuquuqda Bina-aadamnimo ee shacabka Syria oo ay Ciidammadu xasuuq ba’an iyo jidh-dil daran ku sameeyaan, halka ay kumannaan reer Syria ahina ka buuxaan Jeelasha iyo Cusbitaallada waddankaas.

Dhiig hor leh ayaa lagu soo warramayaa inuu daadanayo iyadoo kooxaha kacdoonka wadaa ay sheegayaan in illaa labaatan qof la dilay shalay oo Axad ahayd. Dadkaas inta badan waxa lagu dilay magaalada Badhtamaha ku taalla ee Homs.

Mucaaradka dalka Syria ayaa doonaya in kooxdan ka socota Jaamacadda Carabta inay kormeerkooda ka bilaabaan magaalada Homs oo ay sheegayaan in ugu yaraan hal Xaafad ay la waregeen oo ay go’doomiyeen afar kun oo Ciidan ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.