Jabhadda TPLF oo mar kale duqaysay Eritrea

0

Eritrea-(Berberanews)-Magaalada caasimada u ah dalka Eritereya ayaa duqaymo cusub kala kulantay gobolka gooni u goosadka Tigreega ee Ethiopia jimcihii, taas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in khilaafka gudaha ee Itoobiya uu sii fido iyadoo hogaamiye Abiy Ahmed uu diidey baaqyada wadahadalka.

Habeenimadii Jimcaha, ugu yaraan hal gantaal oo laga soo riday waqooyiga gobolka Tigray ayaa lala beegsaday dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, sida ay wakaalada wararka ee AFP u sheegeen afar diblomaasi oo ka tirsan gobolka.

In ka badan seddex toddobaad hadda, Itoobiya iyo Tigree waxaa ka socda dagaal qaraar oo kooxda xasaradaha adduunka ay sheegtay in jimcihii ay ku dhinteen kumanaan qof “oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah iyo sidoo kale ciidamada ammaanka”

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarintii sanadkii hore ee Nobel Peace Prize, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay “wajiga saddexaad iyo kan ugu dambeeya” ololihiisa ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray (TPLF).

Abiy ayaa ku dhawaaqay hawlgallo militari oo ka socda Tigray 4tii Nofeembar ka dib bilo khilaaf ka dhex taagnaa xukuumaddiisa iyo kooxda TPLF, oo xukunka ku haysay siyaasadda Itoobiya muddo ku dhow soddon sano ka hor inta uusan Abiy xafiiska la wareegin 2018.

Raiisel wasaaraha ayaa diiday inuu la xaajoodo kooxda TPLF wuxuuna meesha ka saaray baaqyada wadahadalada oo uu ku tilmaamay inay yihiin “faragalin” arimaha gudaha ee itoobiya