Jamaal Cali Xuseen: Idinkamaan filanayn inaad i soo dhaweysaan

0

argeysa (Berberanews) – Musharrixii hore Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo hadda ka mid ah Xisbiga KULMIYE, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib Safar oo muddo ugu maqnaa Dalka Dibeddiisa.

Jamaal Cali Xuseen ayaa Xubno ka mid ah Xisbiga KULMIYE, Xildhibaano iyo Dad kale ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Jamaal oo saxaafadda la hadlay soo dhaweyntiisii ka dib, ayaa yidhi “Waxaan maqnaa Dhowr bilood oo Aniga ila ahayd dhowr Maalmood, laakiin wuxuu ahaa Wakhti wanaagsan oo aan u baahnaa inaan soo nasto oo aan Madaxa soo yara sifeeyo. Waan ku faraxsanahay inaan Dalka ku soo Nabad noqdo.”

Mr. Jamaal wuxuu u Mahad-celiyey Dadkii soo dhaweeyay, “Aad baad u Mahadsan tihiin Dadkiina I qaddariyey ee i soo dhaweeyay. Idinkamaan filanayn inaad u soo dhaweysaan oo aad ii timaaddaan ilayn imika Musharrax ma ihiye.” Ayuu yidhi.