Jermaine Pennant Oo Xabsi La Dhigay Ka Dib Markii Uu Weeraray Haweeneey.

0

England (Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka kooxda Stoke City Jermaine Pennant ayaa xabsi la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay inuu fal qalalaase wata kula kacay haweeney, iyagoo kuwada jira goob lagu caweeyo oo ku taala Manchester.

29 jirkaan ayaa damaanad lagu sii daynayaa ka dib marka la soo gabagabeeyo baadhitaanka ku socda dhacdadaas.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay wargeyska The Sun: “Gabadha ayaa bilowday inay indhaha ka gasho isaga, iyadoo odhanaysa ‘Wiil ayaa ku dhalan doona, waxaad uuraysay saaxiibaday, waxaa naad haatan la cawaynaysaa gabdho kale’ “.

“Ka dib waxaa loo soo saaray banaanka. Si aad ah ayay ugu cadhaysnayd isaga”.

Dhacdadan ayaa dhacday kaliya labo saac ka hor markii shil gaadhi uu galay isagoo lagu eedeeyay inuu khamri cabsanaa.

Pennant ayaa la filayaa in la soo taago maxkamad 9ka bishaan si uu uga jawaabo shilka gaadhi ee uu galay isagoo cabsan, waxaase u sii dheer dhacdadaan kale ee ah inuu fal qalalaase wata kula kacay haweeney.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports