Jigjiga: Maalqabeen u dhashay Sucudiga oo 2 Milyan ku maalgelinay mashaariic

0

Jigjiga-(Berberanews)-Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa Jigjiga ku soo dhaweeyay Maalqabeen u dhashay dalka Sucuudiga oo maalgelin ballaadhan ku samayn doona saddex mashruuc oo waaweyn.

Sheekh Xamse Bin Cabdicasiis oo ah mulkiilaha shirkad shiidaal iyo shirkad Real State ah oo guryaha dhista.

Maalqaabeen Xamsa wuxuu sheegay in hawlgalkooda koowaad uu noqon doono dhismaha shan ilaa toban kun oo guri oo ay ka dhisi doonaan dawlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo sidoo kale mashruuc tamarta cadceeda lagaga dhalinayo laydh iyo wershad soo saari doonta qalabka gaadiidka, kuwaasoo ay ku baxayso lacag dhan 2 milyan oo dollar.