Jigjiga: Sanduuq Gargaar oo loo furay dadkii ay waxyeelladu ka soo gaadhay TPLF

0

JIGJIGA —(Berberanews)-Magaalada Jigjiga ee caasimadda dowladda deegaanka Soomaalida ayaa waxaa lagu daahfuray Sanduuq Gargaar oo lagu taageeri doono dad ay dhibaatooyin ka soo gaareen tacadiyo ka dhacay gobolkaass muddadii 30-ka sano aheyd ee ay TPLF ka talineysay Itoobiya.

Sida ay sheegeen maamulka deegaanka Soomaalida, Sanduuqan ayaa aas-aaskiisa waxaa iska kaashaday madaxda dowlad-deegaanka Soomaalida iyo ururka ONLF.

Warbixintan waxaa Jigjiga ka soo diray wariyaha VOA, Maaxamed Cabdiraxmaan Gaataa.