“Jiilasha dambe ee Dadka Somaliland ma hilmaami karaan Dhagarihii ay Milateriga Soomaaliya u geysteen” Wasiir Hinda

0

Hargeysa(Berberanews) “Waxaad ku nooshihiin oo aad joogtaan dalkiinii oo sidaad doontaan ugu xaragoonaysaan, sidaad doontaan u soconaysaan, sidaas darteed waxa loo baahan yahay inaad waddankiina uga faa’idaysaan wixii aad barateen”ayey tidhi Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ah Wasiirka Shaqo-gelinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo Isniintii ka qaybgashay munaasibad Hargeysa loogu qabtay 120 Gabdhood oo fursad u helay tababarka mashruuc Shaqo-qaran ah oo ay dawladdu diyaarisay, waxaanay diirada saartay qiimaha wadaniyada, Xoriyada iyo fursadaha ay haystaan Hablahaasi.

ku dhawaad 1500 oo Dhalinyaro ah ayaa loo qaatay in lagu carbiyo nidaamka Shaqada, taasoo uu Madaxweyne Muuse ku dhawaaqay markii uu xilka la wareegay.

Wasiirka ayaa hadal ay ka jeedisay munaasibada lagu sagootiyey Gabdhaha howsha Shaqo-qaran loo carbinayo, waxa uu la maray dhacdo xannuun badan oo dhaawac Uur-ku-taallo ah u geystay “waxaan xidhnaa dahab, waxa Guriga iigu timi Gabadh aanu saaxiib nahay dabadeedna waxay aragtay anigoo xidhan Dahabkii, waxay igu tidhi naa maxaa Dahabka kuu xidhay miyaanad ogayn in Ciidan la yidhaahdo Ciidan Cadaadley ay joogaan Magaalada oo intay Guriga kuugu yimaadaan ku odhanayaan keen Dahabkii aad xidhnayd..” – ” Iska bixi Dahabka oo geli meelahaas Faamadhalaydhka guriga, aniguba kaygii waxaan ku riday Jawaanka Raashinku ku jiro!”

Sheekaddu waxay dhacday xilligii Dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya xukumaysay Somaliland, Ciidanka ay sheegaysaana waa kuwii Dawladda u shaqaynayey oo gabood-fallo isugu Dil, Dhac iyo boob u geysanayey Shacbiga Somaliland, iyadoo hadalkeeda sii wada ayey tidhi “Sidiibaan yeellay, intaan maro ku duubay Dahabkii ayaan fuulay Faamalaydhkii guriga, anigoo halkii gelinaya ayaan ka soo dhacay oo uu i soo gaadhay Nabar iminka Jidhkayga ka muuqdaa…” halkaa markay marayso ayey sii hayn wayday hadalka, kaddibna intay ooyday ay deg deg u dhiibtay cod-baahiyaha.

hadalkan ayaa wax badan ka bedelay Shucuurta Hablihii Madasha fadhiyey oo la dareemayey inay ka murugoodeen sheekada ay Wasiirku xusuusatay ee ay la wadaagtay.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaal: