Joe Biden oo lug ka murkacday xilli uu la ciyaarayay eygiisa

0

Washington-(Berberanews)-Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa lugta ka murkacday isagoo la ciyaaraya mid ka mid ah eydiisa, laakiin dhakhaatiirtu ma helin “jab muuqda” intii ay baadhayeen Axadii, sida uu sheegay dhakhtarkiisu.

Biden ayuu dhaawac soo gaadhay maalintii Sabtida wuxuuna booqday dhakhtar ku takhasusay lafaha oo ku yaala Delaware , si baadhitaan loogu sameeyo galabnimadii Axadda.

Xafiiskiisu wuxuu yidhi. Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ka soo baxay dhaqtarkiisa, Kevin O’Connor, Biden waxaa gaadhay muracasho cagtiisa midig iyo halka “raajada hore ay xaqiijinayso in aanu jirin jab muuqda,” wuxuu heli doonaa baashitaanka CT si dib loogu eego.

Biden ayaa si muuqday mid dhutinaya, in kasta oo uu lugaynayay bilaa qaliin ama gargaar kale.