Johan Cruyff Oo Kalsooni Ku Qaba In Barca Ay ka Talaabsan Doono Chelsea Habeenka Salaasada.

0

(Berberanews Sports):- Halyeeygii Barcelona Johan Cruyff ayaa kalsooni ku qaba in kooxda Catalans ay gaadhi doono finalka Champions League islamarkaana ay reebi doonto Chelsea.

Blaugrana ayaa lagu garacaay 1-0 lugtii hore ee ka dhacday Stamford Bridge ka hor inta aanay guuldarro kale  ka soo gaadhin garoonkooda kulankii horyaalka ee ay la ciyaareen Real Madrid.

Si kastaba, Cruyff ayaa kalsooni ku qaba in Barca ay ka soo kaban doonto guuldarooyinkaas kulanka lugta labaad ee Camp Nou.

“Weli waxaan qabaa in Barcelona ay garaaci doonto Chelsea Salaasada” ayuu Cruyff ku qoray maqaalkiisa wargeyska Holland ka soo baxa ee De Telegraaf. 

“Inkastoo xaqiiqda ay tahay in Barcelona laga badiyay labo kulan oo isku xigta, waxaan ka filanayaa inay ciyaar fiican ku soo bandhigaan Camp Nou”

“Isma barbardhigi kartid guuldaradii Real Madrid iyo tii Chelsea. Barca waxa ay abuurtay fursado badan kulankii London, lakiin waxa ay ku guuldareysteen inay gool u sarifaan fursadahooda. Kulankii Madrid ay la ciyaareen ma jirin fursado halis ah oo ay abuureen, sababtoo ah qaladad ayaa dhacay”

“Mar kale kulanka lugta labaad ee Chelsea fursado badan ayay abuuri doonaan, mana u maleynayo inay markaa ku guuldareysan doonaan inay shabaqa soo taabtaan”.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports