Johan Cruyff: Real Madrid Nasiib Darro Ayay Ku Tahay Inay Ka Ciyaaraan Horyaal Ay Ka Ciyaarto Barca.

0

(Berberanews Sports):- Johan Cruyff ayaa aaminsan in Real Madrid ay nasiib darro ku tahay inay ka ciyaaraan horyaal ay ka ciyaarto Barcelona, sababtoo ah horyaalada kale ee adduunka oo dhan waa ay soo dardari karaan, sida uu hadalka u dhigay.

Halyeeygan soo maray Blaugrana haatana ah tababaraha xulka Catalunya ayaa u sheegay jariirada Madrid ka soo baxda ee AS, in kooxda Jose Mourinho ay qabsan karto horyaal kasta marka laga reebo kan Spain oo ay ka ciyaarto kooxdiisii hore.

“Marka laga hadlaayo tayada, Real Madrid waa kooxda ugu adag ee kaa horimaan karta, waa koox weyn” ayuu yidhi Cruyff.

“Waa nasiib xumo inay ka ciyaaraan horyaalka ay ka ciyaarto Barcelona, sababtoo ah horyaalada kale waxa ay garaaci lahaayeen kuwooda ugu fiican oo dhan”

Si kastaba, Cruyff ayaa sheegay in Barcelona ay tahay inay ka walwasho kulmada kooxaha yaryar halkii ay ka walwali laheyd kulamada waa weyn sida El Clasico.

“Kulamada ugu halisisan ma ahan kan Madrid, oo dheeri gelin uma baahna ciyaartoyda  markaas.  Marka aad la ciyaareyso sida Getafe, ciyaartoyda ma weydiisan kartid inay boqolkiiba boqol noqdaan sanadka oo dhan” ayuu hadalkiisa ku koobay xiddigii hore ee Netherlands.

Mustafe Maxamud “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports