Johannesburg: Mudaharaad lagu diidanyahay afduubka Somalida

0

KoonfurAfeika-(Berberanews)-Dalka Koonfur waxaa ka dhacay dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafey afduubka dhowr qof oo Soomaali ah.

Afduubkii ugu dambeeyey waxaa booliiska ay kusoo badbaadiyeen Macallin Cabdullahi Xassan Maxamuud, oo sidoo kale raggii afduubtey lasoo xidhey.

Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg ayaa shalay si weyn uga dibad-baxay arrintan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa hadddaba la xidhiidhey Axmed Maxamed Sheekh Xuseen oo ka mid ah dadkii dibad-baxaasi ka qeybgaley waxeyna ugu horeyntii waydiisey falalkii ugu dambeeyey?

Halkan ka dhegayso warbixintaas.