John Terry Oo Ka Cadhaysan Shirkad Sigaarka Soo Saarta oo Hindi Ah Isla Markaana Sawirkiisa Isticmaashay.

0

(Berberanews Sports):- Kabtanka kooxda Chelsea iyo xulka England John Terry ayaa doonaya inuu talaabo dhinaca sharciga ah ka qaado shirkad Hindi ah oo soo saarta Sigaarka, ka dib markii sawirkiisa oo feedho qaawan ay ka soo muuqdeen dusha sarre ee baakada sigaarka, iyadoo loo isticmaalay fariimaha caafimaad ee looga digayo dadka sigaarka caba.

Sawirkaasi waxaa sameysay shirkada naqshadaha sameysa ee loo yaqaano DAVP ee dalka India, waxaana ansixiyay in loo isticmaalo baakadaha sigaarka wasiirka caafimaadka India.

Agaasimaha guud ee shirkada sawirka habeysay K S Dhatwalia, ayaa ka warqaba in la isticmaalay muuqaalka kabtanka Chelsea, lakiin kama warqabo sababtii loogu daabacay baakadaha sigaarka.

Waxa uu u sheegay Indian Express: “Sawirkii aan habeynay waxaan u dirnay wasiirka caafimaadka, waana la cadeeyay oo la ogolaaday. Lakiin sida sawirka Terry loo isticmaalay ma cada. Waxaan isku dayayaa inaan ogaado”

Sarkaal ka tirsan wasaarada caafimaadka India oo diiday in la magacaabo ayaa iska fogeeyay inay wax qalad ah sameeyeen.

“Waan dareensanahay inay jiraan jahwareer ku aadan fariimaha ku daabacan baakadaha sigaarka, si dhaqso ah ayaana arintan u kala cadeynay bishii November”

“Sawirka iyo naqshadaba waxa ay inooga timid DAVP, anaga mas’uul kama nihin sawirada ay isticmaaleen DAVP, mana cadeyn karno inuu yahay sawirka ciyaaryahanka”

Sawirka Terry ee loo maleynayo in la istcimaalay ayaa ah mid shucaac badan uu ku furan yahay muuqaalkiisa, waxaana ku dul sawiran labo sanbabadood, iyadoo fariin hoose ay kaga qoray tahay “Smoking Kills”.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports